Arsenal Oo Dejisay Qorshihii Ay Ku Heli Lahayd Victor Osimhem


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa diyaarisay qorshe ay ku doonayso inay kula saxeexato weeraryahanka reer Nigeria ee Victor Osimhem oo tababare Mikel Arteta uu ku darsaday qorshihiisa xilli-ciyaareedka soo socda, halka dhinaca kalena uu doonayo inuu la saxeexdo Sesko.

Gunners ayaa diyaarisay qorshe ay Napoli si fudud ku ogolaanayso oo ay inay kooxda Talyaanigu isku darsato Emile Smith Rowe iyo lacag, amaba ay qaadato Takehiro Tomiyasu iyo lacag kaash ah, marba midka ay doorbidayaan labadan ciyaartoy.

Victor Osimhem oo madaxweynaha Napoli ee Aurelio de Laurentiis uu hore u sheegay inuu ka tegi doono kooxda dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa hore loola xidhiidhinayey kooxo ay ku jiraan Real Madrid oo hadda ku koobnaatay Kylian Mbappe, PSG oo wali raadinaysa beddelka Mbappe, Chelsea oo xaqiijisay in aanay la saxeexanayn iyo naadiyo kale oo Premier League ah.

25 jirkan oo xilli-ciyaareedkii tegay 15 gool oo horyaalka Serie A ah u dhaliyey kooxdiisa, ayaa waxa hadda si weyn u doonaysa Arsenal oo uu qorshaheedu yahay in lacagta ay Napoli dalbanayso ee ah €130 milyan oo Euro in ay iskaga fudaydiso ciyaartoydeeda aan fursadda fiican ku haysanin Emirates Stadium, gaar ahaan Smith Rowe oo ah ciyaartoy ay tayadiisu sarrayso laakiin ay adag tahay inuu boos ka helo kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*