Shan Ciyaartoy Oo Ka Maqnaanaya Xulka England Kulamada Isku-diyaarinta Euro 2024


Shan ciyaartoy oo muhiim ah ay ku jiraan Bukayo Saka iyo John Stones ayaa ka maqnaanaya xulka qaranka England kulamada ka horreeya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee ay iskugu sii diyaarinayaan tartankaas, waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo taam ahaanshaha ciyaartoydan qaarkood.

Tababarkii maanta ee ciyaartoyda xulka qaranka England ayaa waxa aan joogin Anthony Gordon, Harry Maguire iyo Luke Shaw oo dhamaantood hore u qabay dhaawacyo la filayo inay kasoo kabtaan, laakiin hadda uu waqtigu cidhiidhi ku yahay.

Xulka England oo Isniinta berri kulan saaxiibtinimo la dheelaya Bosnia and Herzegovina ayaa waxa uu tababare Gareth Southgate xaqiijiyey in saddexda ciyaartoy ee tababarka maanta seegay ee Luke Shaw, Harry Maguire iyo Anthony Gordon oo lagu daray Bukayo Saka iyo John Stones ay ka maqnaan doonaan.

Southgate oo ka hadlayey shir jaraa’id ayaa yidhi: “Dhamaantood waxa ay kasoo kabanayaan dhaawacyo, laakiin midkoodna taam uma aha kulanka berri.”

John Stones iyo Bukayo Saka oo la filayey inay waqti hore tababarka bilaabaan ayaa la sugi doonaa illaa Arbacada, iyadoo Jimcaha ay kulan kale oo saaxiibtinimo la dheeli doonaan xulka Iceland.

Isla maalinta Jimcaha ayaa waxa uu tababare Gareth Southgate gudbin doonaa liiska kama dambaysta ah ee ciyaartoydiisa 26ka ah ee u dheeli doonta tartanka Euro 2024 ee lagu qabanayo waddanka Germany, isaga oo toddoba ciyaartoy ka saari doona liiskii hordhaca ahaa oo ahaa 33 ciyaartoy.

Jude Bellingham ayaan isaguna ciyaari doonin kulanka berri ee xulkiisa maadaama uu Sabtidii kooxdiisa Real Madrid usoo ciyaaray finalkii Champions League ee ay 2-0 kaga adkaadeen Borussia Dortmund, waxaana Southgate uu xaqiijiyey inuu nasin doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*