“Iga Beddela Lambarkan!!” Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Oo Dalbaday In Laga Beddelo Lambarka Iyo Ciyaartoyga Haysta Lambarka Uu Dalbaday


Kaddib markii Federico Valverde uu la wareegay lambarkii uu banneeyey Toni Kroos ee No.8, xiddig kale oo Real Madrid ah ayaa dalbaday in laga beddelo lambarka uu xidhan yahay, waxaana uu calaamadsaday lambar uu wali kooxda joogo ciyaartoygii xidhnaa.

Real Madrid oo la filayo in isbeddello badan ay ku yimaaddaan xagaagan, ayaa waxa tallaabadii koowaad ay ahayd in Toni Kroos uu kooxda macasalaameeyey oo lambarkii uu xidhan jirayna uu kusii wareejiyey Federico Valverde, kaas oo sidoo kale uu hunguri ka hayey Aurelien Tchoauemni.

Waxa kale oo xigay, in Real Madrid ay dhamaystirtay heshiiska xiddiga reer France ee Kylian Mbappe saacado kaddib markii ay ku guuleysatay koobka Champions League oo finalka ay ku garaaceen Borussia Dortmund.

Waxa kale oo la sugayaa go’aanka uu kooxda ka qaadan doono xiddiga reer Spain ee Nacho Fernandez oo ah kabtanka Real Madrid oo loo badinayo inuu tegayo, halka Luka Modric iyo Lucas Vazquez ay iyagu waqti horeba sheegeen in ay doonayaan inay joogaan, iyadoo sidoo kale ay kooxdu u diyaar-garoobayso soo-dhoweynta Endrick oo soo gaadhaya bisha July.

Sidaas oo ay tahay, xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Eduardo Camavinga ayaa dalbaday in lagu wareejiyo lambarka uu xidho Nacho Fernandez ee No.6, haddii uu laacibkani ka tago kooxda xagaagan.

Eduardo Camavinga oo Real Madrid u saxeexay heshiis cusub bishii November ee sannadkii hore isla markaana qandaraaskiisu soconayo illaa sannadka 2029 ayaa doonaya in uu iska beddelo lambarka uu hadda xidho ee No.12, waxaana uu dalbaday in la siiyo No.6 marka uu banneeyo Nacho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*