DEG-DEG: Xiddigii Arsenal Oo Cusbitaalka Loola Cararay Iyo Baroor-diiq Bilaabantay


Xiddigii kooxda kubadda cagta Arsenal ee Kevin Campbell ayaa loola cararay cusbitaalka, waxaana baraha bulshada qarqiyey farriimo lagu taageerayo iyadoo halyeygii Gunners ee Ray Parlour uu qoraal qiiro leh kusoo daabacay bartiisa bulshada.

Kevin Campbell oo muddo toban sannadood ah u ciyaaray Arsenal intii u dhaxaysay 1985kii illaa 1995kii, ayaa Gunners ka caawiyey inay ku guuleysato horyaalka Premier League, FA Cup, League Cup iyo European Cup Winners’ Cup.

54 jirkan ayaa toddobaadkii hore la dhigay dhakhtarka oo uu laga soo saaray, hase yeeshee mar kale ayuu laacibkan hore galay xaalad miyir beel ah, waxaana sii cuslaatay xaaladdiisa caafimaad.

Parlour ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu horreysay ee Arsenal ee baraha bulshada yimaadda, waxaana muuqaal uu soo duubay oo uu ku baahiyey bartiisa X uu ku yidhi: “Waxa aan maqlay, in saaxiibkaygii hore, ciyaartoygii aanu isku kooxda ahayn ee Kevin Campbell uu dhibaatoonayo waqtigan.

“Dhamaan qoyska kubadda cagta ayaa waqtigan ku garab taagan adiga, Kev. Waan ogahay in aad tahay mid dhaqankiixu xooggan yahay, saaxiib.”

Kevin Campbell ayaa waxa uu Arsenal u saftay 209 ciyaarood oo uu u dhaliyey 55 gool iyo 20 kale oo uu caawiye ka noqday.

Waxa kale oo uu Kevin CampbellĀ  usoo ciyaaray kooxaha Everton, Nottingham Forest, West Brom, Cardiff iyo kooxda reer Turkey ee Trabzonspor, halka uu waqtiyo amaah ahaa ku tegay kooxaha Leyton Orient iyo Leicester City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*