Shaxaha Rasmiga Ah Ee Borussia Dortmund vs Real Madrid – Hubka Culus Ee Ay Soo Qaddimeen Ancelotti Iyo Edin Terzić


Real Madrid iyo Borussia Dortmund ayay ciyaartoydoodu ku sugan yihiin gudaha garoonka Wembley Stadium ee magaalada London oo ay iskululayn ku samaynayaan ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta finalka Champions League ee midkood uu ku calfanayo koobka.

Carlo Ancelotti ayaa ciyaartan kusoo galay shaxdiisa ugu adag ee uu heli karayey, isaga oo awoodda saaray khadka dhexe oo uu afar xiddig kusoo bilaabay sidii la filayey, halka weerarkuna ay yihiin labada reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes.

Jude Bellingham iyo Toni Kroos ayaa waxa khadka dhexe kala ciyaaraya Eduardo Camavinga oo booska kubbad-burburiyaha ka dheelaya iyo ma-daalaha reer Uruguay ee Federico Valverde.

Difaaca dhexe, waxa kusoo wada bilowday Antonio Rudiger iyo kabtanka caawa la sagootinayo ee Nacho Fernandez, iyadoo labada dhinac ay ka xigaan Dani Carvajal iyo Ferland Mendy.

Edin Terzić ayaa isaguna safkiisa kusoo bilaabay xiddiga reer England ee Jude Bellingham iyadoo khadka dhexe uu kusoo ururiyey khubaro sida Emre Can iyo Sabitzer, balse garabka bidix ee weerarka ayaa uu ka dheelayaa laacibka orodka badan ee Adeyemi, halka Brandt iyo Fullkrug ay yihiin xiddigaha khatarta ku abuuraya Real Madrid.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Antonio Rudiger, Nacho Fernandez, Ferland Mendy, Eduardo Camavinga, Fede Valverde, Toni Kroos, Jude Bellingham, Vinicius Junior, Rodrygo Goes.

Borussia Dortmund XI: Kobel, Ryerson, Hummels, Schlotterbeck, Maatsen, Can, Sabitzer, Sancho, Adeyemi, Brandt, Fullkrug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*