Real Madrid Oo Heshay Faa’iido Dheeraad Ah Saacado Ka Hor Finalka Champions League Ee Borussia Dortmund


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay faa’iido weyn saacado ka hor ciyaarta finalka Champions League ee Borussia Dortmund, waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyey ay dib u heleen ciyaartoy shaki la gelinayey oo diyaar u noqday kulankan.

Real Madrid ayaa garoonka Wembley Stadium ee magaalada London ay albaabada iskugu xidhan doonaan Borussia Dortmund, iyadoo Los Blancos u dagaallamaysa in markeedii 15aad ay ku guuleysato tartanka Champions League, halka Borussia Dortmund ay hal mar oo kaliya kusoo guuleysatay koobkan.

Kooxda tababare Carlo Ancelotti, ayaa waxa ka maqan ciyaartooyo muhiim ah oo uu jeclaan lahaa in uu haysto kulankan adag, sida Aurelien Tchouameni iyo David Alaba, hase yeeshee waxa uu dib u helay oo kooxda ka mid noqday goolhaye Andriye Lunin oo tababarkii maanta la qaatay.

Laacibkan oo ka maqnaa tababarka illaa Isniintii oo uu ku dhacay hargab, ayaa qoraal uu mar dhoweyd soo dhigay bartiisa Instagram, waxa uu ku sheegay inuu diyaar u yahay ciyaarta ugu muhiimsan xilli-ciyaareedka isla markaana uu dhamaystiro hammigiisa xilli-ciyaareedkiisa ugu fiicnaa abid ee uu isagu soo ahaa goolhayaha koowaad.

Lunin ayaa ahaa goolhayaha 1aad ee Real Madrid ee xilli-ciyaareedkan oo uu dhaawac ku maqnaa Thibaut Courtois, waxaana uu ahaa laacibkii rikoodheyaasha ka qabtay Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic ciyaartii Man City ee wareegga siddeedda Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Carlo Ancelotti ayaa Jimcihii sii sheegay in uu ciyaarta finalka ee caawa kusoo bilaabi doono Thibaut Courtois oo ay u noqon doonto kulankiisii koowaad ee Champions League ee uu ciyaaro xilli-ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*