Laura Woods Oo Kusoo Laabatay Fagaaraha Caawa Kaddib Usbuucyo Ay Wajiga Qarsanaysay


Wariyaha ciyaaraha Luara Woods ayaa dib ugu soo laabatay istuudiyaha telefishanka TNT Sports, kaddib usbuucyo ay qarinaysay wajigeeda oo uu dhaawac kasoo gaadhay iyadoo gashay shil argagax lahaa iyadoo ku jirtay tabin toos ahayd.

Laura Woods oo ah quruxlay inta badan kasoo muuqata horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League iyo sidoo kale ciyaaraha Premier League ayaa shaashadaha ka maqnayd in muddo ah, markaas oo ay warbaahintu soo bandhigtay muuqaallada wajigeeda oo uu dhaawac weyn soo gaadhay iyo gacanta midig oo nabarro waaweyn kasoo gaadheen.

Shilka ay gashay wariyahan ayaa ahaa ciyaar feedh ahayd oo u dhaxaysay Usyk iyo Fury, waxaanay tabin toos ah ka samaynaysay telefishanka DAZN, hase yeeshee waxa kusoo jabtay muraayad weyn oo keentay in wajigu uu dillaaco, sidoo kalena gacanta midigta ay qaybo ka mid jiidhka cududeedu go’aan.

Waxa loola cararay cusbitaalka iyadoo uu dhiig badan ka baxayo, balse Khamiistii ayuu telefishanka TNT Sports oo hore loo odhan jiray BT Sports uu shaaciyey in ay kusoo laaban doonto tabinta ciyaarta finalka Champions League ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund.

Waxa ay kasoo garab muuqanaysaa Jose Mourinho oo ah martida khaaska ah ee ciyaarta finalka caawa, Rio Ferdinand, Owen Hargreaves iyo Steve McManaman.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*