AFAR Khad Dhexe Ah, Laba Weerar Iyo Difaaca Oo La Adkaynayo – Qorshaha Carlo Ancelotti Ee Finalka Champions League Oo Lasii Ogaaday


Wariyaha ciyaaraha Sergio Lopez de Vicente oo ka tirsan wargeyska AS ayaa helay taatikada iyo qorshaha tabababare Carlo Ancelotti ee ciyaarta finalka Champions League ee kooxdiisa Real Madrid ay Sabtida la dheeli doonto Borussia Dortmund.

Carlo Ancelotti ayaa waxa uu diyaar u yahay inuu dhaqan-geliyo qorshihiisa labaad ‘Plan B’, taas oo ka dhigan in afar ciyaartoy oo khadka dhexe ah uu ku dheeli doono, si uu u yareeyo khatarka Borussia Dortmund oo awoodda saarta khadka dhexe iyo labada garab ee weerarka.

Sergio Lopez de Vicente waxa uu sheegay in khadka dhexe ee Real Madrid ay kusoo wada bilaaban doonaan Eduardo Camavinga, Toni Kroos, Federico Valverde iyo Jude Bellingham oo maalmihii ugu dambeeyey ay tababarka wada-jir ugu qaadanayeen xeeladdan ka hor intii aanay kooxdoodu u safrin magaalada London.

Afartan ciyaartoy oo lix kulan oo kaliya kusoo wada bilowday xilli-ciyaareedkan, ayaa laba ka mid ah waxa ay ahaayeen wareeggii siddeedda Champions League ee Manchester City oo ay rikoodheyaal ku reebeen.

Camavinga ayaa booskiisa waxa damaanad-qaaday dhaawaca Aurelien Tchouameni oo ka maqan ciyaartan, waxaana uu kusoo bilaaban doonaa booska kubbad-burburinta isaga oo waliba kubbadaha hore u riixi doona dhinaca weerarka oo uu kaga fiican yahay Tchouameni.

Weerarka ayaa sidoo kale ay kusoo wada bilaaban doonaan labada ciyaartoy ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes, laakiin waxa caawin doona Jude Bellingham oo booska No.10 ka dheeli doona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*