YAAB: Waddamada Ay Asal Ahaan Kasoo Jeedaan Ciyaartoyda Xulka England Ee EURO 2024 – Waddankee Ayay U Dhasheen Bellingham, Mainoo, Palmer, Alexander-Arnold, Rice Iyo Kane


Xulka qaranka England ayaa sannadkan raadinaya inuu soo afjaro abaar koobab la’aan ah oo 58 sannadood haysatay, waxaanay tamartooda iyo tayadoodaba iskugu geyn doonaan tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha June ka dhacaya waddanka Germany.

Ingiriisku waxa uu urursaday ciyaartooyo ay tayadoodu sarrayso oo iskugu jira da’yar iyo khubaro, si ay uga badbaadaan in ay ku dhacdo guul-darradii Euro 2020 oo Talyaanigu uu rikoodheyaal 3-2 ahaa koobka kaga qaaday iyadoo waliba lagu ciyaarayey garoonka Wembley kulankii finalka.

Sidaas oo ay tahay inta badan ciyartoyda xulka qaranka England ee hadda uu tababare Gareth Southgate usoo xushay tartanka Euro 2024 uma aanay dhalanin Ingiriiska, waxaanay kasoo jeedaan dalal kale oo sharcigu u ogolaanayey inay u dheelaan, balse ay iyagu doorteen inay metelaan England.

Declan Rice iyo Jack Grealish waxa ay carruurnimadoodii usoo ciyaareen xulka qaranka Republic of Ireland oo ay qayb ka ahaayeen, laakiin waqti dambe ayay go’aansadeen in ay u ciyaaraan xulka Ingiriiska, waana arrin ay la socdaan taageereyaal badan, balse mala socotaa halka ay kasoo jeedaan laacibiin badan oo kale oo iskugu jira madow iyo caddaan?

Sida uu qoray wargeyska The New York Times, difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Trent Alexander-Arnold waxa uu sharcigu u ogolaanayaa inuu u ciyaaro xulka qaranka Maraykanka, sababtoo ah ayeydii hooyo ayaa iyada oo yar u guurtay Maraykanka oo ku guursatay, waxaana halkaas ku dhalatay hooyada dhashay Alexander-Arnold, sababtaas daraadeedna sharciga FIFA iyo Maraykankuba waxay u ogolaan lahaayeen inuu u dheelo xulka Maraykanka.

Cole Palmer oo bishii November ee sannadkii hore loogu yeedhay ciyaartiisii koowaad ee xulka England, ayaa waxa uu sharcigu u ogolaanayay inuu u dheelo Saint Kitts and Nevis oo ah waddan ku yaalla Carribean-ka oo aabbihii iyo qoyskiisu ay asal ahaan kasoo jeedaan, isla markaana ay kasoo guureen qarnigii 20aad.

Cole Palmer, ayaa waraysi uu siiyey wargeyska The Player’s Tribune waxa uu ku sheegay in aabbihii uu ahaa ciyaartoy u dheeli jiray Saint Kitts and Nevis oo kabihiisana uu calanka ku tolan jiray.

Ciyaartoyda qaarkood ayaa u ciyaari karayey in ka badan saddex waddan oo ay ehelkiisu kasoo kala jeedaan amaba waqtiyo kala duwan kusoo noolaayeen.

Halkan kaga bogo waddamada ay asal ahaan kasoo jeedaan amaba uu sharcigu u ogolaanayey inay u dheelaan ciyaartoyda xulka qaranka England

Joe Gomez – Gambia.

Marc Guehi – Ivory Coast.

Ezri Konsa – Portugal, Democratic Republic of Congo iyo Angola.

Harry Maguire – Northern Ireland, Republic of Ireland.

Jarell Quansah – Scotland, Ghana iyo Barbados.

Kyle Walker – Jamaica.

Trent Alexander-Arnold – United States of America.

Jude Bellingham – Republic of Ireland.

Conor Gallagher – England, Scotland iyo Republic of Ireland.

Curtis Jones – Nigeria.

Kobbie Mainoo – Ghana.

Declan Rice – Republic of Ireland.

Eberechi Eze – Nigeria.

Anthony Gordon – Scotland, Republic of Ireland.

Jack Grealish – Republic of Ireland.

Harry Kane – Republic of Ireland.

James Maddison – Republic of Ireland.

Cole Palmer – Saint Kitts and Nevis.

Bukayo Saka – Nigeria.

Ivan Toney – Jamaica.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*