Joe Cole Iyo Peter Crouch Oo Isku Raacay Natiijada Finalka Champions League, Balse Hal Arrin Isku Khilaafay


Falanqeeyeyaasha ciyaaraha ee Joe Cole iyo Peter Crouch ayaa isku raacay saadaasha natiijada ay ciyaarta finalak Champions League ee xilli-ciyaareedkan oo finalkiisa ay Sabtida dheelayaan Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo ku kala calaf-qaadi doona garoonka Wembley Stadium.

Borussia Dortmund oo hal mar oo kaliya oo ahayd sannadkii 1997kii ku guueysatay koobka Champions League oo ay ka qaadday Juventus, ayaa waxa ay waajahaysaa Real Madrid oo 14 jeer ku guuleysatay isla markaana raadinaysa markeedii 15aad, iyadoo kooxda kusoo xigta oo ah AC Milan ay kaliya haysato toddoba Champions League.

Ka hor finalka Sabtida ee London, falanqeeyeyaasha ciyaaraha ee Telefishanka TNT Sports ee Joe Cole iyo Peter Crouch ayaa sameeyey saadaal isku mid ah marka laga eego goolasha ay kala dhalinayaan labada kooxood, laakiin waxa ay ku kala duwanaadeen kooxda libintu raacayso.

Joe Cole ayaa waxa uu saadaaliyey in Borussia Dortmund ay 2-1 ku garaaci doonto Real Madrid oo ay markeedii labaad ku guuleysan doonto tartanka Champions League, halka Peter Crouch uu isaguna saadaaliyey in Real Madrid ay 2-1 ku karbaashi doonto Borussia Dortmund, sidaasna ay markeedii 15aad ugu guuleysanayso Champions League.

Waxa hore saadaal u sameeyey Paul Merson, Marcelo iyo Rio Ferdinand oo iyaguna aragtidooda bannaanka keenay, waxaanay saddexdooduba isku raaceen in ay Real Madrid koobka ku guuleysanayso.

Isugeyn, waxa ay labadan kooxood tartanka Champions League ku kulmeen 14 jeer, waxaana Dortmund ay guuleysatay saddex jeer oo kaliya, halka Real Madrid ay badisay lix jeer iyo shanta kale oo barbarro ku dhamaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*