Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Arsenal Ku Qabsanayso Adduunyada Xilli-Ciyaareedka Dambe? Benjamin Sesko Iyo Xiddigaha Kale Ee Kasoo Muuqanaya


Kaddib laba sannadood oo waqti dambe lagala wareegay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay u muuqanayeen inay ku guuleysanayaan, Arsenal ayaa waxa ay samayn doontaa isbeddel badan marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoydu waxaanay la saxeexan doonaan xiddig ay ku xoojiyaan boosaska ay ka liigayeen ee uu Mikel Arteta saluugga ka qabay.

Weeraryahanka reer Slovenia ee Benjamin Sesko ayay Arsenal qarka u saaran tahay inay dhamaystirto heshiiskiisa iyadoo wada-hadallo ay u socdaan kooxdiisa reer Germany ee RB Leipzig.

Mikel Arteta ayaa dhaliyahan farsamada badan ee Benjamin Sesko waxa uu doonayaa inuu noqdo hoggaamiyaha weerarka dhexe, kaddib saluug badan oo uu ka qaatay Gabriel Jesus oo ay dhaawacyo daashadeen, sidoo kalena laga waayey goolashii ay kooxdu ka filayey.

Benjamin Sesko oo ay da’diisu tahay 20 jir ayaa ka sokow inuu ka shaqeeyo afka hore oo uu goolal dhaliyo, waxa sidoo kale uu dib ugu soo noqdaa khadka dhexe oo uu kubadda ka dhiso ka hor inta aanu u boos-qaadanin weerarka.

RB Leipzig ayaa la sheegay inay Sesko ku iibinayso lacag dhan £45 milyan oo Gini, waxaana uu noqon doonaa saxeexa koowaad sida uu Mikel Arteta qorshaynayo, hase yeeshee waxa kale oo ay kooxdu go’aansatay inay si rasmi ah ula wareegto goolhaye David Raya oo xagaagii hore ay amaah kaga soo qaateen Brentford. Heshiiska amaahda ayaa dhigayay in Arsenal ay si rasmi ah ugula wareegi karayso David Raya lacag dhan £30 milyan oo Gini.

Difaaca dhexe ayaa waxa ay Arsenal kalsooni badan ku qabtaa William Saliba iyo Gabriel Magalhaes oo dookha koowaad ee Mikel Arteta sii ahaan doona, hase yeeshee Jurrien Timer ayaa waxa uu kasoo laabanayaa dhaawac sannad uu ku maqnaa waxaana uu noqon doonaa laacibka looga hadhi doono difaaca bidix, halka dhinaca midig aan loogu tegi doonin Ben White.

Arsenal ayaa waxa ay ku ciyaari doontaa qaab ah 4-3-3 oo ay khadka dhexena ku midaysnaan doonaan Declan Rice, Martin Odegaard iyo Kai Havertz oo booska No.8 ee dhinaca bidix ee dhaxda la geyn doono, halka weerarka dhexe uu yeelanayo Sesko oo ay dhinacyada ka xigi doonaan Bukayo Saka iyo Leandro Trossard oo isagu booska ka cidhiidhsaday Gabriel Martinelli oo gool-dhalintiisu ay yaraatay.

Waa tan shaxda Arsenal ee xilli-ciyaareedka dambe

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*