TOP 10: Tobanka Ciyaartoy Ee Ingiriiska Ah Ee Ugu Qiimaha Badan Waqtigan Oo La Shaaciyey


Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha sarreeya xiddigaha u dhashay waddanka Ingiriiska ayaa la shaaciyey, iyadoo laga eegayo hal-beegga dhinaca suuqa oo kaliya oo isaguna kusii xidhiidhsan bandhiggooda garoomada oo qiimaha ciyaartoydu uu la kordho ama hoos ula dhaco.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa noqday ciyaartoyga ugu qiimaha badan laacibiinta u dhashay waddanka Ingiriiska, waxaana uu qiimihiisu marayaa £238.6 milyan oo Gini.

20 jirkan oo ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee horyaalka LaLiga iyo da’yarka ugu fiican dunida ee Golden Boy, ayaa waxa uu qiimihiisu u kordhay si aad ah isaga oo laba-jibbaar noqday sannad gudihii.

Phil Foden iyo Bukayo Saka ayaa waxyar ka hooseeya Jude Bellingham oo qiimahoodu uu ka sarreeyaa min £200 milyan oo Gini, laakiin arrinta cajiibka ah ayaa waxa ay tahay in saddex ka mid ah tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan xiddigaha Ingiriiska aan xataa lagu soo darin xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub Ee Euro 2024.

Qiimayntan oo ay samaysay shabakadda qiimaynta iyo xogta ciyaartoyda oo soo bandhigtay 100ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan dunida oo dhan, kuwaas oo 34 ka mid ah ay qiimeyaashoodu ka sarreeyaan min €100 milyan oo Euro ayaa waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa tobanka ugu sarreeya ee Ingiriiska ah ee liiskan ku jira.

Waa kuwan tobanka ciyaartoy ee Ingiriiska ah ee ugu qiimaha sarreeya kubadda cagta
No. Ciyaartoyga Kooxdiisa Qiimaha (£)
1 Jude Bellingham Real Madrid 238.6m
2 Phil Foden Manchester City 173.4m
3 Bukayo Saka Arsenal 166.1m
4 Cole Palmer Chelsea 107.5m
5 Declan Rice Arsenal 87.9m
6 Anthony Gordon Newcastle United 73.6m
7 Rico Lewis Manchester City 71.7m
8 Marcus Rashford Manchester United 71.5m
9 Harry Kane Bayern Munich 68.3m
10 Ben White Arsenal 63.9m

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*