Manchester United Oo Baadhitaan Ku Samaynaysa Sababta Keentay Dhaawacyada Tiro-beelka Ah


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa bilowday baadhitaan ay ku samaynayso sababta keenay dhaawacyada tirada ban ee ku habsaday ciyaartoyda kooxdaas xilli-ciyaareedkan, taas oo ay doonayaan in ay xaqiiqadeeda taabtaan, si xiddigaha kooxda looga ilaaliyo sida fudud ee ay ku dhaawacmayaan.

Red Devils oo si xun ku bilaabatay xilli-ciyaareedkan ayaa halis ugu jirta in laga cidhib-tiro tartanka Champions League oo labadii kulan ee ugu horreeyeyba laga badiyey, halka ay sidoo kale masaafo dheer u jiraan kaalmaha sare ee Premier League.

Erik ten Hag ayaa la kulmayay dhalleecayn ba’an, laakiin doodda miiska taalla ayaa ah in siddeed ciyaartoy oo kooxda koowaad ah ay ka dhaawacan yihii , waxaana ka maqan labada difaac dhexe ee uu ku kalsoon yahay ee Raphael Varane, Lisandro Martinez iyo difaacyahannada bidix ee Luke Shaw iyo Tyrell Malacia.

Iyadoo marka horeba xaaladdu ku adag tahay ayaa waxa bishii hore dhaawac waqti dheer ah galay Aaron Wan-Bissaka oo xulashada difaaca midig kusoo koobay Diogo Dalot oo kaliya.

Red Devils ayaa waxa kale oo ka maqan labada da’yar ee la filayay inay xilli-ciyaareedkan fursadda fiican helaan ee Kobbie Mainoo iyo Amad Diallo, iyadoo haddana uu liiska dhaawacyada galay kubbad-burburiyaha Brazil ee Casemiro oo kuraanta kaga dhaawacmay ciyaartii xulka qarankiisu uu barbarraha 1-1 la galay Venezuela habeenkii Jimcaha ee isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa la sheegay in ay baadhitaan ku samaynayso sababta keenaysa in ciyaartoydeedu ay dhaawacyo tiro badan galaan iyadoo xilli-ciyaareedkuba bilow yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*