Barcelona Oo Dalbatay Xiddig Man United Ah, Saxeexa Ay Real Madrid Ku Garaacday Man City, Liverpool Oo Heshay Beddalka Salah Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Barcelona ayaa doonaysa in ay la saxeexato xiddiga Manchester United ee Jadon Sancho bisha June ee sannadka dambe, waxaanay ku darsadeen qorshahood, iyaga oo ka dalban doona United in ay qiimaha hoos u dhigto. 23 jirkan ayaa la filayaa in uu amaah ku tago Juventus bisha January. (Sport)

Madaxeynaha Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa diiday in uu meesha ka saaro suurtogalnimada in ay dib ula saxeexanayaan goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana. 27 jirkan ayay Manchester United ka iibsatay xagaagii, balse waxa uu ku dhibaatoonayaa Old Trafford. (Mail)

Bruno Guimaraes oo 25 jir ah ayaa qandaraaskiisa cusub ee Newcaslte United ku daray qodob dhigaya, in uu Barcelona ugu wareegi karayo lacag u dhaxaysa 65 milyan oo Euro illaa 70 milyan oo Euro, markasta oo uu dalab ka helo kooxda reer Spain oo uu carruurnimadiisii ku riyoon jiray inuu u ciyaaro. (Sport)

Liverpool waxay qorshaynaysaa in ay u dhaqaaqdo saxeexa xiddiga reer Germany ee Leroy Sane oo 27 jir ah, si uu ugu beddelo Mohamed Salah haddii uu u wareego Sucuudiga xagaaga dambe. (Mirror)

Xiddiga Brazil iyo Real Madrid ee Vinicius Junior oo 23 jir ah ayaa sheegay in uu farriimo qoraal ah u diri jiray Jude Bellingham waqtigii uu joogay Borussia Dortmund ee aanu usoo wareegin Real Madrid, waxaana uu qayb ka qaatay in uu laacibkan ku qanciyo inuu yimaaddo Santiago Bernabeu. (L’Equipe)

Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa muddo saddex saacadood ah telefoonka kula hadlayay Jude Bellingham ka hor intii aanu tegin Real Madrid, waxaana uu isku dayay inuu ku qanciyo inuu yimaaddo Man City, hase yeeshee kuma aanu guuleysanin. (Cadena Ser)

Kalvin Phillips oo khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ayaa waxa uu bisha January ka tegayaa Eihtad Stadium, sababtuna waa in uu doonayo boos joogto ah si uu qayb uga noqdo xulka England ee Euro 2024. (Mirror)

Da’yarka Arsenal ee Charlie Patino oo 19 jir ah ayaa doonaya in uu heshiis waqti dheer ah u saxeexo kooxdaas, marka uu soo dhamaado heshiiska amaahda ah ee uu ku tegay Swansea. (Mail)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*