Saxeexa Kaoru Mitoma Oo Lagu Kala Calaf-qaaday Iyo Kooxda Ugu Dhow


Xiddiga reer Japan ee Kaoru Mitoma ee jaamacadda uga soo baxay sidii uu kubadda ugu goyn lahaa ciyaartoyda kasoo horjeedda, ayaa waxa uu doonayaa heshiis beddela noloshiisa, xilli ay soo baxayaan damaca kooxo waaweyn oo reer Yurub ah oo doonaya inay helaan.

Kaoru Mitoma oo xilli-ciyaareedkii hore bandhig heersare ah ka sameeey garoomada ayaa dhaliyey toddoba gool, lix kalena caawiye ka noqday 33 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay kooxdiisa Brighton, laakiin dhalinta iyo caawinta waxa ka badan shaqada kale ee uu ka qabto gudaha garoonka.

Xilli-ciyaareedkan socda ayaa sidoo uu ku bilowday qaab fiican, waxaana 11 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah uu dhaliyey saddex gool iyo saddex kale oo uu caawiye ka noqday.

26 jirkan ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo waaweyn oo ay hormood u tahay Barcelona oo la sheegay in muddooyinkii dambe ay ku raad-joogtay balse ay dib u dhigeen duruufaha dhaqaale.

Tababare Xavi Hernandez ayaa la sheegay in uu doonayo in uu la saxeexdo Kaoru Mitoma oo uu u arko ciyaartoy haddii ay isku dhinac noqdaan Alejandro Balde aanay cidina joojin karayn dhinacaas oo ay kooxdiisu ka noqon doonto naadi aan la loodin karin.

Garabka midig ayay Barcelona ku haysataa ciyaartoyda sida Raphinha, Ferran Torres iyo Lamine Yamal, balse Kaoru Mitoma ayaa waxa uu cudud xooggan ka noqon lahaa garabka bidix oo mararka qaarkood ay Barcelona ka ciyaarsiiso Gavi.

Warka ayaa intaa ku daray, in Kaoru Mitoma uu doonayo in uu doonayo in uu helo mushahar badan, iyadoo ay indhaha ku hayaan Man City, Man United iyo Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*