Real Madrid ayaa ugu dambayntii soo gabogabaysay diyaarinta xafladda shaacinta heshiiska iyo soo-bandhigista xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay si bilaash ah ugala soo wareegayeen Paris Saint-Germain oo laacibkani uu soo macasalaameeyey toddobaadkii hore.
Real Madrid ayaa waxa ay qorshaysay in heshiiska Kylian Mbappe lagu dhawaaqo isla marka ay ciyaaraan finalka Champions League ee Borussia Dortmund ay Sabtida kula ballansan yihiin garoonka Wembley Stadium.
Mbappe ayaa hore usii sheegay in uu daawan doono ciyaartan, laakiin waxa uu ka gaabsaday in uu shaaciyo kooxda uu taageerayo, si uu uga baaqsado in uu sii xaqiijiyo saxeexiisa Real Madrid.
Qandaraaska Kylian Mappe oo ku eg June 30, ayaa waxa ay Real Madrid dhamaystiri doontaa shaacintiisa ka hor inta aan loo bixin tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana soo bandhigistiisa ay samayn doonaan ka hor inta aanu laacibkani ku biirin ciyaartoyda Faransiiska ee isku diyaarin doonta tartanka qaramada Yurub.
Faransiiska ayaa usbuuca koowaad ee bisha June waxa uu ciyaari doonaa kulamo saaxiibtinimo, kaddibna waxa ay u safri doonaan waddanka Germany oo ay ciyaaraha qaramada Yurub ka bilaabmi doonaan badhtamaha bisha June.
Be the first to comment