Kooxaha horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa loo diidayaa inay ka qayb-galaan tartanka naadiyada dunida ee FIFA Club World Cup, iyadoo ay sii kordhayaan horyaallada ka hor imanaya tartankaas oo ay FIFA isbeddel ku samaysay.
Horyaallada waaweyn ee Yurub iyo ururrada ciyaartoyda ayaa maanta kulan ay yeelanayaan waxa ay go’aan kaga gaadhayaan ka qayb-galka FIFA Club World Cup, iyagoo xidhiidhka kubadda cagta adduunka ku eedeeyey in ay dilayso kubadda cagta.
FIFA ayaa waxa ay kooxaha ka qayb-gelaya tartanka Club World Cup ay ka dhigtay 32 kooxood, iyadoo xagaaga dambe lagu qaban doono waddanka Maraykanka oo kooxaha Ingiriiska uga qayb-gelaya ay ka mid yihiin Manchester City iyo Chelsea, halka Real Marid, Bayern Munich iyo naadiyo kale ay iyaguna qayb ka noqon doonaan.
Inkasta oo ay FIFA lacago badan siin doonto kooxaha oo ay u qoondaysay lacag gaadhaysa £600 milyan oo Gini iyo abaal-marinno kale, haddana Richard Master oo ah madaxa Premier League ayaa raacay raadka Javier Tebas oo ah madaxweynaha horyaalka Spain ee LaLiga iyo ururka ciyaartoyda kubadda cagta oo shaaciyey inay qaaddacayaan ka qayb-galka tartanka.
Madaxda FIFA ayaa hore meesha uga saartay baqashada haysa ciyaartoyda ee ah in waqti kooban ay ku ciyaarayaan kulamo badan, sidoo kalena ay ku badanayaan tartamada kala duwan ee ay dheelayaan taasina halis gelin karayso mustaqbalkooda, ayaa waxa ay waajahayaan culays badan.
Be the first to comment