Chelsea ayaa afar saxiix oo waa weyn ku taageereysa tababare Enzo Maresca laakiin waa qasab inay marka hore ciyaartooy iska iibiyaan.
Blues ayaa heysata ilaa iyo 30ka Juun inay iska dirto ciyaartooyda qaar si ay uga soo baxaan sharciga dhaqaale wanaaga Premier League.
Maresca ayaa qarka u saaran in loo magacaabo bedelka Mauricio Pochettino isagoo Stamford Bridge la imaanaya sideed shaqaale oo ka caawiye tababarka.
Tababaraha Talyaaniga ayaa doonaya in laga xoojiyo boosaska goolhayaha, daafaca dhexe, daafaca bidix iyo weerarka.
Victor Osimhen oo qandaraaskiisa Napoli lagu burburin karo 113 milyan ginni ayaa ah xiddiga ugu horeeya ee weerarka ee diirada u saaran Chelsea sida ay sheegtay The Sun.
Waxaa sidoo kale liiska ku jira goolhayaha Burnley James Trafford kaasoo qeyb ka ah liiska hordhaca ah ee xulka England ee Euro 2024.
Chelsea waxay goolhayaha kula soo wareegi karaa 20 milyan ginni inkastoo ay Burnley 19 jirkaan ku soo iibsatay xagaagii la soo dhaafay 19 milyan ginni.
Tosin Adarabioyo ayaa ah xiddiga seddexaad ee liiska ugu jira iyadoo Chelsea ay qandaraas u soo bandhigtay.
Daafaca Fulham ayaa noqon doona mid xor ah bisha soo socota laakiin Newcastle ayaa ugu cadcad inay hesho.
Ciyaaryahanka afaraad ee diirada u saaran The Sun ma aysan magacaabin laakiin waxay sheegeen inay xooga saarayaan inay helaan daafac bidix oo cusub.
Si kastaba, haddii ay Chelsea dooneyso inay saxiixyo cusub keento Stamford Bridge waa inay marka hore xiddigo iska iibiyaan si ay uga soo baxaan sharciga dhaqaale wanaagsa Premier League.
Be the first to comment