Xiddiga Ugu Qiimaha Badan Dunida Oo La Magacaabay & Qiimihiisa Oo La Shaaciyay


Jude Bellingham ayaa loo magacaabay inuu yahay xiddiga ugu qiimaha badan dunida isagoo lagu qiimeeyay 238 milyan ginni.

Xiddiga Ingariiska Bellingham ayaa cadaadis badan uu saaran yahay madaama kooxdiisa Real Madrid ay ciyaareyso finalka Champions League oo ay Sabtida Wembley kula balansan yihiin kooxda Borussia Dortmund.

Laakiin xiddiga Real Madrid ayaa arkay qiimihiisa oo cirka isku shareeray ka dib markii uu wacdarro ka dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Bernebeu.

Kaliya 12 bilood ka dib markii uu 88 milyan ginni uga soo wareegay Dortmund xagaagii la soo dhaafay, qiimaha Bellingham ayaa seddex jibaarmay sida ay sheegtay CIES Football Observatory oo fadhigeedu yahay dalka Switzerland.

Waxay qiimeeyeen 5500 saxiixyo oo dhacay, waxayna taasi ka caawisay inay soo saaraan liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan dunida maanta.

Bellingham kaliya ma ahan xiddiga Ingariiska ee ka soo muuqday liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan dunida, waxaa sidoo kale ka soo muuqdo labo xiddig kale oo ku jira lixda ugu sareysa.

CIES ayaa qiimeysay in Phil Foden uu qiimihiisu yahay 174 milyan ginni halka Bukayo Saka lagu qiimeeyay 166 milyan ginni.

Liiskaan waxaa kaalinta labaad ka soo galay Erling Haaland oo lagu qiimeeyay 217 milyan ginni, isagoo Man City u dhaliyay 90 gool 98 kulan uu u saftay.

Seddexaad waxaa ku jira xiddiga ay Bellingham kawada ciyaaraan Real Madrid ee Vinicius Jr oo lagu qiimeeyay 205 milyan ginni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*