Marcelo Oo Saadaaliyey Natiijada Finalka Champions League Ee Borussia Dortmund vs Real Madrid & Tirada Goolasha La Iska Dhalinayo


Xiddigii hore ee Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Marcelo ayaa saadaaliyey natiijada finalka Champions League iyo kooxda ku guuleysan doonto Champions League marka ay Sabtida garoonka Wembley iskugu yimaaddaan kooxdiisii hore ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund.

Real Madrid oo u dagaallamaysa in markeedii 15aad ay ku guuleysato Champions League, ayaa waxa ay waajihi doontaa Borussia Dortmund oo hal mar oo kaliya koobkan qaadday, waxaanay ahayd sannadkii 1997kii oo ay finalka ku garaacday Juventus.

Marcelo oo la weydiiyey natiijada ay ku dhamaan karto ciyaarta finalka, ayaa waxa uu si weyn uga farxiyey kooxdiisii hore ee Real Madrid oo uu sheegay inay 3-0 ku garaaci doonto Borussia Dortmund, waxaana uu sidoo kale sii saadaaliyey ciyaartoyda goolasha dhalin doonta.

Saddexda gool ee uu sheegay inay dhalin doonto Real Madrid ayuu kala siiyey labada ruug-caddaa ee Toni Kroos iyo Luka Modric, halka uu goolka saddexaadna u saadaaliyey Vinicius Junior.

Saadaashan ayaa haddii ay rumowdo waxa ay noqon doontaa mid farxad weyn gelin doonta Toni Kroos oo ay u tahay ciyaartiisii ugu dambaysay ee uu u dheelo Real Madrid maadaama uu ciyaaraha ka fadhiistay oo toddobaadkan horraantiisii lagu sii macasalaameeyey Santiago Bernabeu.

Kroos ayaa 47 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Madrid waxa uu xilli-ciyaareedkan u dhaliyey hal gool, halka Luka Modric oo 45 ciyaarood dheelayna uu laba gool dhaliyey.

Vinicius Junior oo ahaa geesigii dhaliyey goolka madiga ah finalkii Champions League ee Real Madrid iyo Liverpool ee sannadkii 2022, ayaa waxa isaguna xilli-ciyaareedkan uu dhaliyey 23 gool iyo 11 kale oo uu caawiyey 38 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu dheelay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*