Xiddiga reer Brazil ee Rodrygo Goes ayaa caddeeyey dareenkiisa haddii uu Liverpool u wareegayo si uu ugu noqdo beddelka Mohamed Salah oo qandaraaskiisa Anfield ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya.
Rodrygo Goes ayaa muddooyinkii dambe ay warar kala duwan kasoo baxayeen mustaqbalkiisa maadaama Los Blancos uu kusoo waajahan yahay Kylian Mbappe, sidoo kalena ay la saxeexdeen Endrick oo isaguna soo gaadhi doona Santiago Bernabeu bisha July, waxaana jirta baqasho ah inay boos la’aan ku dhacdo.
Liverpool ayaa dhinaceeda waxa la sheegayaa inay suurtogal tahay inuu ka tago xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo qandaraaskiisa uu sannad ka hadhsan yahay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in kooxdiisu ay iibin doonto haddii uu diido inuu heshiis cusub saxeexo.
Rodrygo oo waraysi siiyey warbaahinta DAZN ayaa la weydiiyey haddii uu waqtigan ku fikirayo inuu ka tago Real Madrid oo uu tago Liverpool si uu ugu beddelo Mohamed Salah, waxaanu ku jawaabay: “Wax kasta way dhici karayaan, laakiin anigu hadda qandaraas ayaan kula jiraa Madrid, mana garanayo waxa dhici doona. Sannadihii aan halkan joogay waxay ahaayeen kuwo farxadeed, mar kasta waxa aan sheegaa in aan doonayaa in aan sii joogo kooxdan.”
Be the first to comment