AI Oo Saadaaliyey Xiddigaha Ku Guuleysanaysa Abaal-Marinta Ballon d’Or Illaa Sannadka 2038


Artificial Inelegance oo loosoo gaabiyo AI ayaa saadaal ka bixiyey ciyaartoyda ku guuleysanaya abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or 15ka sannadood ee soo socda oo ka bilaabmaya sannadkan aynu ku jirno ee 2024.

Ballon d’Or oo ah abaal-marinta uguĀ  qaalisan ee ciyaartoydu ay ku guuleystaan, ayaa waxa go’aamiya codayn ay sameeyaan in ka badan 100 wariye, tababareyaasha iyo kabtannada xulalka kubadda cagta adduunka.

Lionel Messi oo ah ciyaartoyga sannadkii ugu dambeeyey ee 2023 ku guuleysatay abaal-marintan ayaa u muuqata in aanu sannadkan ku jiraynin tartameyaasha, balse waxa uu loollanku u dhaxaynayaa labada ciyaartoy ee Real Madrid ee Jude Bellingham iyo Vinicius Junior, khadka dhexe ee Man City ee Phil Foden, weeraryahanka reer France Kylian Mbappe iyo waliba Harry Kane oo kooxdiisa Bayern Munich u dhaliyey goolal badan, inkasta oo aanay wax koob ah ku guuleysanin.

AI waxa ay saadaalisay, in sannadkan aynu ku jirno uu abaal-marinta Ballon d’Or ku guuleysan doono xiddiga reer England ee Jude Bellingham isaga oo noqon doona ciyaartoygii labaad ee Ingiriis ah ee qarnigan 21aad ku guuleysta abaal-marintan oo sannadkii 2001 ku guuleystay. Waxa uu Bellingham ku garaaci doonaa Vinicius Junior oo kaalinta labaad geli doona.

Halkan kaga bogo saadaasha AI ee abaal-marinta Ballon d’OR

2024- Jude Bellingham

2025- Kylian Mbappe

2026- Lionel Messi

2027- Phil Foden

2028- Gavi

2029- Erling Haaland

2030- Vinicius Jr

2031- Evan Ferguson

2032- Florian Wirtz

2033- Jamal Musiala

2034- Kylian Mbappe

2035-Evan Ferguson

2036- Lamine Yamal

2037- Lamine Yamal

2038- Arda Guler

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*