Laba kooxood oo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ah ayaa dhibco laga jarayaa ka hor inta aanu bilaabmin xilli-ciyaareedku, waxaana ay kulankooda koowaad dheeli doonaan iyaga oo ku jira kaalmaha 20aad iyo 19aad oo dhibco lagu leeyahay.
Leicester City oo kasoo dallacday heerka labaad ee ay xilli-ciyaareedkii hore u dhacday iyo Everton ayaa labadaba lagu ridayaa ganaax culus oo dhibco lagaga jarayo, iyadoo labadoodaba loo haysto dembiyo isku mid ah.
Leicester City ayaa waxa la sheegay inay jabisay sharciga dhaqaalaha intii ay ku maqnayd heerka labaad iyo ka horba, waxaana laga jarayaa 15 dhibcood xilli-cuyaareedka soo socda.
Wargyesyada Telegraph iyo The Sun ayaa isku raacay in Premier League uu go’aamiyey inuu 15 dhibcood ka jarayo Lecester City, laakiin wararka qaarkood ayaa tibaaxay inay noqon doonaan illaa 10 dhibcood.
Waxa kale oo iyadana dhibco laga jarayaa Everton oo xilli-ciyaareedkii horena dhibco laga jaray iyada iyo Nottingham Forest, waxaana wali aan ka dhamaannin oo soo baxaya inay jabisay sharciga dhaqaalaha sidaas daraadeedna la marsiin doono ciqaab intii hore ka badan.
Everton oo mulkiilaheedii Fahad Moshari uu iibiyey balse aanu wali iibku dhaqan-gelin ayaa ku jirta xaalada adag oo dhaqaale, waxaana wadnaha farta ku haya taageereyaasha kooxda oo filanaya inay lumiyaan ciyaartooyo waaweyn.
Be the first to comment