Sidee Ayey Noqon Doontaa Shaxda Man United Ay Ku Dheeli Doonto Marka Uu La Wareego Thomas Tuchel?


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheeegay in maamulkeedu ay saacadaha soo socda kulan la yeelan doonaan tababare Erik ten Hag oo ay ku samayn doonaan qiimayn la xidhiidha waxqabadkiisii labadii sannadood ee uu joogay Old Trafford, waxaana loo badinayaa in shaqada laga caydhin doono.

Dhawr tababare ayaa lala xidhiidhinayaa in Man United ay midkood ku beddeli doonto Erik ten Hag, waxaana saacadihii ugu dambeeyey aad loo hadal-hayey Mauricio Pochettino, hase yeeshee Thomas Tuchel ayaa isagana ay Man United xidhiidh la samaysay usbuucyo ka hor.

Sida uu sheegay wargeyska Daily Mirror, Thomas Tuchel ayay u badan tahay in loo magacaai doono Manchester United oo uu shaqadan ka garbin doono tababare Mauricio Pochettino, waxaana sidoo kale Mirror uu saadaaliyey shaxda uu Tuchel ku dheelsiin doono Man United xilli-ciyaareedka dambe.

Manchester United oo Sabtidii ku guuleysatay koobka FA Cup oo finalkii ka dhacay Wembley Stadium 2-1 ku garaacday Man City, isla markaana ay goolasha u dhaliyeen Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo ayaa la sheegay inay u qorshaysan yihiin dhawr boos oo uu ka xoojin doono haddii loo dhiibo Man Untied.

Difaaca reer England ee Branthwaite oo u dheela Everton oo muddooyinkii dambe lala xidhiidhinayey Manchester United iyo difaaca midig ee Bayer Leverkusen iyo xulka Netherlands ee Frimpong ayaa la sheegay inuu Ten Hag dalban doono in si degdeg ah loogu keeno.

Sidoo kale waxa uu Tuchel dalban doonaa xiddiga khadka dhexe ee reer Brazil ee Ederson oo u ciyaara Atlanta iyo garabka weerarka Athletic Bilbao iyo xulka Spain ee Nico Williams oo ah 21 jir ay doonayaan kooxo badan oo reer Yurub ah.

Halkan kaga bogo shaxda uu Thomas Tuchel ku ciyaarsiin doono Manchester United haddii loo magacaabo:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*