Dheriyada Isku-aadka Champions League Oo La Shaaciyey Iyo Arsenal Oo Af-Libaax Ku Jirta


Waxa la shaaciyey dheriyada isku-aadka wareegga koowaad ee hormooyinka tartanka Champions League waxaana uu walaac badan usoo hoyday Arsenal oo lumisay booskii ay filaysay inay ku jiri doonto oo ah dheriga koowaad ee kooxaha lagu daba-filayo.

Arsenal oo xilli-ciyaareedkii hore dib ugu soo noqotay tartanka Champions League oo ay muddo lix sannadood ah ka maqnayd ayaa waxa ay xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah kasoo muuqan doontaa tartankan.

UEFA oo isbeddel ku samaysay tartanka Champions League oo hore u ahaa 32 kooxood ayaa laga dhigay 36 naadi, waxaana hadda lasii shaaciyey afar dheri oo ay ka koobnaan doonaan 36ka kooxood ee isku aadka loo samaynayo.

Isku-aadka wareegga koowaad ee Champions League ayaa la samayn doonaa 29 August, waana saddex usbuuc kaddib marka ay bilaabmaan horyaallada xilli-ciyaareedka dambe.

Waddamada Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa loo kordhiyey min hal koox oo ay uga soo qayb-geli doonaan min shan kooxood, halka 26ka kooxood ee kalena ay saddexda horyaal ee waaweyn ee Premier League, LaLiga iyo Ligue 1 ay yeelanayaan min afar kooxood.

Si lama filaan ah, Manchester City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League iyo Liverpool ayaa horyaalka Premier League usoo galay dheriga 1aad ee naadiyada lagu daba fayli doono, halka Arsenal oo kaalinta labaad ka gashay horyaalka Premier League ay ku jirto dheriga labaad ee kooxaha lagu beegayo dhalada 1aad iyo labada dhalo ee kasii hooseeya.

Halkan kaga bogo dheriyada isku-aadka Champions League

Dheriga 1aad: Manchester City, Bayern Munich, Real Madrid, Paris Saint-Germain, Liverpool, Inter, Borussia Dortmund, RB Leipzig, Barcelona

Dheriga 2aad: Bayer Leverkusen, Atletico Madrid, Atalanta, Juventus, Benfica, Arsenal, AC Milan, Club Brugge (need to qualify), Shakhtar Donetsk (need to qualify)

Dheriga 3aad: Feyenoord, Sporting CP, PSV, Celtic, (Lille, PAOK, Fenerbahce, Maccabi Tel Aviv, Young Boys all via qualification)

Dheriga 4aad: Monaco, Aston Villa, Bologna, Girona, Stuttgart, Sturm Graz, Stade Brestois, Galatasaray (need to qualify), Sparta Prague (need to qualify)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*