Jude Bellingham Oo Magacaabay Xiddiga Sannadkan Ku Guuleysanaya Abaal-marinta Ballon d’Or


Xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa magacaabay ciyaartoyga ugu habboon ee ay tahay inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or, waxaana uu u doortay ciyaartoy kale isaga oo iska reebay tartanka.

Jude Bellingham oo xilli-ciyaareedkan sii dhamaanaya la kowsaday Real Madrid oo bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada isla markaana ah ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdiisa, ayaa waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda aadka loogu saadaalinayo.

Erling Haaland oo xilli-ciyaareedkii hore ay kooxdiisa Manchester City ku wada guuleysatay Champions League, FA Cup iyo Premier League ayaa waxa ku garaacay Lionel Messi, waxaana mar kale la filayaa in gool-dhaliyaha reer Norway aanu heli doonin abaal-marintan oo uu xataa kasii dambayn doono laacibka ay isku kooxda yihiin ee Phil Foden.

Jude Bellingham oo isku diyaarinaya finalka Champions League ee ay kooxdiisa Real Madrid Sabtida la ciyaari doonto Borussia Dortmund ayaa la weydiiyey ciyaartoyga sannadkan ku guuleysanaya abaal-marinta Ballon d’Or, waxaana uu markiiba lasoo booday weeraryahanka reer Brazil ee Vinicius Junior ee ay isku kooxda yihiin.

Bellingham oo ka jawaabayey su’aasha la weydiiyey ayaa yidhi: “Ballon d’Or-ka waxa ku guuleysanaya Vini Jr. waa ciyaartoyga ugu wanaagsan dunida.”

Si kastaba ha ahaatee, Vinicius Junior ayaa Real Madrid kusoo biiray sannadkii 2018, waxaana illaa waqtigaas uu u dhaliyey 82 gool iyo 75 kale oo uu caawiyey isaga oo kula guuleystay saddex horyaal oo LaLiga ah, saddex Supercopa de Espana, laba FIFA Club World Cup, Copa del Rey, hal UEFA Champions League iyo hal UEFA Super Cup.

Xilli-ciyaareedkan socda ayaa 38 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay waxa uu u dhaliyey 23 gool iyo 11 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*