YAAB: Xavi Oo La Ogaaday AFAR Ciyaartoy Oo Uu Ka Eryayey Barcelona Ka Hor Intii Aan Isaga La Caydhinin


Xavi Hernandez ayaa la ogaaday in uu doonayey inuu Barcelona ka eryo afar ciyaartoy oo waaweyn ka hor intii aan isaga laga qaadanin go’aan lama filaan ahaa oo shaqada lagaga caydhiyey toddobaadkii hore.

44 jirkan ayaa Axaddii macasalaameeyey Barcelona kaddib laba sannadood iyo badh uu tababare usoo ahaa, balse waxa muuqatay in uu dareemayey in ay kooxdu gef ka gashay maadaama ay hore ugu qasbeen inuu ka noqdo go’aan uu hore u qaatay oo ahaa in dhamaadkan xilli-ciyaareedkan uu ka tago kooxda.

Laba koob oo uu midkood ahaa horyaalka LaLiga ayaa uu Xavi u qaaday intii uu tababaraha u ahaa Barcelona, isaga oo guuleystay 62% kulamadii uu tababaraha u ahaa Barcelona.

Sida ay baahisay warbaahinta Maraykanka ee ESPN, Xavi Hernandez iyo Joan Laporta ayaa isku maan-dhaafay qorshaha suuqa iibka ciyaartoyda, iyadoo tababare Xavi uu u sheegay in uu doonayo in kooxda laga diro Jaoao Felix iyo Joao Cancelo oo amaah ugu yimid xagaagii hore iyo waliba Robert Lewandowski iyo Vitor Roque.

Arrintan ayaa waxa kasoo horjeedsaday Joan Laporta oo markii uu Xavi tanaasuli waayeyna go’aansaday inuu isaga shaqada ka caydhiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*