Mauricio Pochettino Oo Laba Ciyaartoy Kasoo Afduubanaya Chelsea Haddii Uu Noqdo Tababaraha Manchester United


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegayaa in ay tababaraheeda cusub u magacaabi doonto Mauricio Pochettino oo toddobaad ka hor ay Chelsea shaqada ka eriday, kaas oo isaguna qaab aargoosi ah u weerari doona kooxdiisii hore oo laba ciyaartoy oo halbowle ah uu kasoo kaxaysan doono.

Manchester United ayaa la sheegay in ay wada-hadallo kula jirto tababaraha reer Argentina inkasta oo aanay wali ku dhawaaqin in shaqada laga eryayo Erik ten Hag iyo in kale.

Mauricio Pochettino oo hore uu Sir Alex Ferguson ugula taliyey in Manchester United ay ka dhigato tababaraheeda, ayaa waxa warkani uu soo baxayaa iyadoo la sheegay in kooxdiisii hore ee Chelsea ay heshiis la gaadhay Enzo Maresca oo ay Leicester City kasoo xoogayaan.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Pete O’Rourke, Mauricio Pochettino ayaa haddii loo magacaabo tababaraha Manchester United waxa uu kooxda keeni doonaa labada xiddig ee reer England ee Chelsea ee Conor Gallagher iyo Trevoh Chalobah oo min hal sano uu ka hadhsan yahay qandaraaskooda.

Conor Gallagher ayaa uu ka ciyaarsiin doonaa difaaca dhexe, gaar ahaan booska Casemiro oo hoos u dhac uu ku yimid, halka Chalobah uu beddeli doono Raphael Varane oo toddobaadkii hore shaaciyey inuu ka tegay Man United oo Sabtidiina lagu sii macasalaameeyey guushii FA Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*