DEG-DEG: Chelsea Oo Heshay Tababarihii Ay Raadinaysay


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshay tababarihii ay raadinaysay maalmo kaddib markii ay shaqada ka caydhiyeen Mauricio Pochettino oo hal xilli-ciyaareed oo uu laylinayey keenay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, iyagoo fasalkii isaga ka horreeyey ku dhamaystay booska kaalinta 11aad.

Chelsea ayaa saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey waxa ay wada-hadallo kula jirtay tababaraha Talyaania ah ee Enzo Maresca oo ah tababaraha kooxda kubadda cagta Leicester City oo uu heerka labaad kasoo dallacsiiyey, dibna ugu soo celiyey horyaalka Premier League ee ay ka dhacday xilli-ciyaareedkii hore.

Enzo Maresca ayaa la sheegay inuu ogolaaday inuu noqdo tababaraha cusub ee Chelsea, waxaana uu ka tegayaa kooxdiisa hadda ee Leicester City oo iyaduna heli doonta £10 milyan oo Gini oo magdhow ah.

Maresca ayaa waxa uu liiska tababareyaasha ay raadinayso Chelsea kula jiray Roberto De Zerbi oo isaguna Talyaaniga u dhashay, Thomas Frank oo ah macallinka Brentford iyo McKeinna oo ah tababaraha kooxda Ipswich Town.

Leicester City ayaa waqtigii ay heshiiska la gelaysay Maresca oo hore uga mid ahaa shaqaalaha Manchester City, waxa qandaraaskiisa ay ku dartay qodob dhigaya in haddii ay koox soo dalbato inay bixiso £10 milyan oo Gini, waana lacagta ay hadda Chelsea ku qasban tahay inay u shubto Leicester.

Si kastaba ha ahaatee, Chelsea ayaa waxa ay doorbidaysay inay hesho tababare da’diisu yar tahay, waxaanay ka mid tahay asbaabaha ay ku doorteen Maresca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*