Xiddig Manchester City Ah Oo Laga Saarayo Xulka Qaranka England & Sababta Oo La Ogaaday


Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa go’aansaday inuu liiska xulka ka saaro xiddig ka tirsan Manchester City oo waayi doona fursaddii uu kaga qayb-geli lahaa tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.

Gareth Southgate oo hore usoo saaray liiska ciyaartoyda xulka England oo ay dheeraad ku yihiin toddoba ciyaartoy ayaa waxa uu liiska kooban shaacin doonaa horraanta bisha June, iyaga oo ka hor inta aanay u duulin waddanka Germany ciyaari doona laba kulan oo saaxiibtinimo.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, tababare Gareth Southgate ayaa waxa uu liiska ciyaartoyda xulka qaranka England ka saari doonaa garabka weerarka Manchester City ee Jack Grealish, waxaana uu ka doorbidi doonaa James Maddison oo booska khadka dhexe la gelin doono, halka garabka weerarka ee uu ka ciyaaro Grealish ay iska sugi doonaan Cole Palmer, Jarrod Bowen iyo Anthony Gordon, iyadoo waliba uu joogo Bukayo Saka oo dookha koowaad ee garabka midig ah.

Sababaha xulka qaranka England looga tuurayo Jack Grealish ayaalagu sheegay in aanu taam buuxa ahayn oo muddooyinkii dambe uu caafimaadkiisu hooseeyey isla markaana hal kulan oo kaliya uu kasoo muuqday shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey Man City ay dheeshay, waxaana ciyaartaas oo uu beddel kusoo galay tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ay horraantii bishan 5-1 kaga adkaadeen Wolves.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*