Goolhayaha Manchester City ee Ederson waxa bartilmaameed uu u yahay koxoda horyaalka Sucuudiga ee Al-Ittihad oo doonaysa inayla saxeexato, iyadoo u bandhigaysa £25 milyan oo Gini. (Mail)
Tababaraha Manchester City ee Pep Guardiola ayaa la filayaa inuu ka tegi doono kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedka dambe oo uu ku egyahay qandaraaskiisu. (Mail)
Arsenal waxa ay xiisaynaysaa garabka weerarka Rennes ee Desire Doue oo 18 jir ah, waxayse ku tartamayaan Tottenham oo iyaduna danaynaysa laacibkan. (Mirror)
Manchester United ayaa wada-hadallo kula jirta wakiillada tababaraha Brentford ee Thomas Frank iyo macallinkii hore ee Chelsea ee Mauricio Pochettino, kuwaas oo ay doonayso in midkood ay ku beddesho Erik ten Hag oo la filayo in shaqada laga caydhiyo. (Telegraph)
Haddii Pochettino loo magacaabo Manchester United, waxa uu Old Trafford keeni doonaa Conor Gallagher iyo Tevoh Chalobah oo labaduba u dheela Chelsea. (Football Insider)
Chelsea ayaa wali ku hawlan raadinta tababare cusub iyadoo lala xidhiidhinayo Roberto De Zerbi, Enzo Maresca iyo Kieran McKenna. (Mail)
Tababaraha Leicester City ee Maresca ayaa iska diiday dalab uu ka helay Sevilla, waxaana uu doonayaa in uu sii joogo horyaalka Premier League, isaga oo sugaya dalab rasmi ah oo uga yimaadda Chelsea. (Fabrizio Romano)
Manchester United ayaa sugi doonta illaa inta uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu si ay dalab heshiis kordhin ah ugu bandhigto da’yarkeeda khadka dhexe ee Kobbie Mainoo. (Telegraph)
Aston Villa waxa ay heshiis laba sannadood iyo badh ah oo lagu daray sannad saddexaad oo dookh ah ay la gaadhay xiddiga reer England ee Ross Barkley oo ka tegaya Luton Town oo heerka labaad u dhacday. (Football Insider)
Xiddiga reer Morocco ee Sofyan Amrabat oo 27 jir ah, ayaa mustaqbalkiisa kala hadli doona Manchester United oo uu doonayo inuu sii joogo, inkasta oo uu dhamaaday qandaraaskiisii amaahda ahaa ee Fiorentina uu kaga yimid. (Metro)
Khadka dhexe ee reer Denmark ee Pierre-Emile Hojbjerg oo 28 jir ah ayaa la filayaa inuu ka tago kooxdiisa Tottenham oo uu ka waayey boos joogto ah. (Football Insider).
Be the first to comment