Tababaraha xulka qaranka Spain ee Luis De la Fuente ayaa shaaciyey liiska xiddigaha dalkiisa uga qayb-geli doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha dambe lagu qabanayo waddanka Germany, halkaas oo Spain ay uga dagaallami doonto inay ku guuleysato koobkan oo ay ugu dambaysay 12 sannadood ka hor.
Spain ayaa ku jirta dalalka loo saadaalinayo inay koobkan ku guuleysanayaan, inkasta oo saadaasha ay uga horreeyaan England, France, Netherlands iyo Germany.
Tababare Luis De la Fuente oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Madrid ayaa shaaciyey liiska xulka qaranka Spain oo sannadihii 2008 iyo 2012 ku guuleystay tartanka Euro 2024, waxaana ka dhax-muuqda ciyaartoyda ka dheesha horyaalka Premier League ee Rodri, David Raya iyo Marc Cucurella, hase yeeshee difaaca Tottenham ee Pedro Porro ayaa boos ka waayey.
Da’yarta Barcelona ee Pau Cubarsi, Lamine Yamala iyo Fermin Lopez ayaa dhamaantood lagu soo daray xulka, hase yeeshee waxa aan ku jirin Pablo Gavi oo dhaawac u jiifay xilli-ciyaareedka oo dhan.
Geesigii Real Madrid ee semi-finalka Champions League ee Joselu ayaa sidoo kale ka mid noqday xulka qaranka Spain oo hadda uu tababaruhu shaaciyey 29 ciyaartoy, waxaana horraanta bisha dambe uu ka jari doonaa saddex ciyaartoy isaga oo gudbin doona 26 ciyaartoy, sida uu dhigayo sharciga UEFA.
Liiska xulka qaranka Spain ee Euro 2024 oo dhamaystiran
Goolhayeyaal: Unai Simon, Alex Remiro, David Raya.
Difaacyahanno: Jesus Navas, Dani Carvajal, Robin Le Normand, Aymeric Laporte, Nacho Fernandez, Dani Vivian, Pau Cubarsi, Alejandro Grimaldo, Marc Cucurella.
Khadka dhexe: Martin Zubimendi, Rodri Hernandez, Mikel Merino, Fabian Ruiz, Pedri, Marcos Llorente, Fermin Lopez, Aleix Garcia, Alex Baena.
Weerarka: Lamine Yamal, Ferran Torres, Dani Olmo, Nico Williams, Ayoze Perez, Alvaro Morata, Joselu Mato, Mikel Oyarzabal.
Be the first to comment