RASMI: Erik Ten Hag Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Manchester United Ee Finalka FA Cup Uu Kala Hor Tegayo Man City


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee warqaddiisa eryidda la qoray ee Erik ten Hag ayaa soo saaray liiska 22 ciyaartoy oo kooxdiisa ah oo u safraya magaalada London oo Sabtida ay finalka FA Cup ku waajahayaan Manchester City.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa gellinkii dambe ee maanta waxa ay tareen ugu safreen magaalada London, iyadoo ciyaartoyda iyo shaqaalaha kaleba ammaankooda aad loo adkeeyey markii ay ka baxayeen maxadadda Stockport Station, halka ciyaartoyda Manchester City ay iyaguna tareen ka qaateen maxadadda kale ee Manchester Piccadilly.

Erik ten Hag ayaa noqday qofkii ugu dambeeyey ee tareenka kora, waxaase ka maqnaa saddex ciyaartoy oo aan qayb ka ahayn safarka oo aan Sabtida ciyaari doonin finalka FA Cup.

Difaaca bidix ee reer Netherlands ee Tyrell Malacia oo xilli-ciyaareedka oo dhan u jiifay dhaawac jilibka ah, Luke Shaw oo saddexdii bilood ee ugu dambeeyey ku maqnaa dhaawac muruqa ah iyo Harry Maguire oo shalay uu Ten Hag sii sheegay in aanu kasoo kabannin dhaawac muruqa ah ayaan safarka gelin maanta, inkasta oo la filayo inay magaalada London tegi doonaan Sabtida si ay kooxdooda ula dabbaal-degaan haddii ay koobka ku guuleysato.

Maguire ayaa nasiib-darro ay ku dhacday afar final oo ay Manchester United tagtay tan iyo markii uu sannadkii 2019 uga soo wareegay Leicester City. Waxa uu hore uga maqnaaday finalkii Europa League ee May 2021 oo uu dhaawac jilibka ah u jiifay, sidoo kalena waxa uu kursiga kaydka fadhiyey oo aanu ciyaarin finalkii League Cup iyo FA Cup ee sannadkii hore.

Waa kuwan magacyada xiddigaha Manchester United ee u safray London:

Goolhayeyaal: Andre Onana, Bayindir iyo Tom Heaton.

Difaaca: Diogo Dalot, Aaron Wan-Bissaka, Raphael Varane, Lisandro Martinez, Jonny Evans, Kambwala iyo Victor Lindelof.

Khadka Dhexe: Carlos Casemiro, Kobbie Mainoo, Christian Eriksen, Scott McTominay, Sofyan Amrabat, Mason Mount iyo Bruno Fernandes.

Weerarka: Amad Diallo, Antony, Alejandro Garnacho, Marcus Rashford, Rasmus Hojlund

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*