Xiddiga Barcelona Ee Sababta U Ahaa In La Eryo Xavi Hernandez Oo Hadlay


Xiddiga Barcelona ee lagu eedaynayo inuu sababta u ahaa in shaqada laga eryo Xavi Hernandez ayaa afka furtay isaga oo cadhaysan, waxaana uu ku hanjabay in uu ka dagaallami doono in la ceebeeyo iyadoo magaciisa la adeegsanayo.

Xavi Hernandez oo maanta shaqada laga caydhiyey ayaa Barcelona ay fursad u siisay in kulankiisa ugu dambeeya uu layliyo Axadda oo ay garoonka Sanchez-Pizjuan marti ugu noqon doonaan Sevilla, waxaana booskiisa la wareegi doona tababaraha reer Germany ee Hansi Flick.

Warbaahinta waddanka Spain ayaa tabisay, in ciyaartoyda kooxda ay qaarkood dabadeen in shaqada laga eryo Xavi Hernandez, waxaana ciyaartoyga kaliya ee magaciisu uu dibedda usoo baxay uu ahaa goolhayaha reer Germany ee Ter Stegen.

Idaacadda The Catalunya Radio ayaa sheegay, in ciyaartooyda Barcelona oo uu afhayeen u yahay Ter Stegen ay u tageen boodhka maamulka kooxda, isla markaana goolhayahani u hadlay oo uu u sheegay in ciyaartoydu isku raacsan yihiin in Xavi aanu maamuli karaynin kooxda.

Ter Stegen oo ka mid ah kbatannada kooxda ayaa markii uu warkani soo baxay waxa uu soo saaray qoraal uu ku daabacay bartiisa, waxaana uu beeniyey warkan isaga oo sheegay inuu idaacaddana sharciga la tiigsan doono.

“Sheekada la daabacay waa been-abuur, waxa ay weerar toos ah ku tahay shaqsiyaddayda iyo qiimahayga, umana dul-qaadan doono in qof isticmaalaya magacaygu uu abuuro warar xun oo aan xal iyo raad lahayn.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*