SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaaliyey Xulka Ku Guuleysanaya Euro 2024 – France, Germany mise England?


Supercomputer ayaa saadaaliyey tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha dambe ee June ka bilaabmaya waddanka Germany, kaas oo noqon doona tartanka ugu dambeeya ee ay dheelayaan xiddigo waaweyn oo uu hormood u yahay Luka Modric oo ciyaaraha ka fadhiisan doona.

Xulka qaranka Talyaaniga ee koobka difaacanaya ayaa sannadkan hoos loo dhigayaa fursaddiisa, sidoo kalena waxa aad loo hadal hayaa saddexda waddan ee England, France iyo Portugal oo uu hoggaaminayo Cristiano Ronaldo oo ay da’diisu ku siqayso 40 jir iyo Pepe oo kasii weyn oo iyaguna ku jira cimrigii ay ka fikiri lahaayeen inay kabaha tiiriyaan oo ay lugaha kala baxaan ciyaaraha caalamiga ah.

Xulka qaranka Ingiriiska oo toddobaadkan uu tababare Gareth Southgate soo xushay ciyaartoyda uu ula safrayo waddanka Jarmalka, isla markaana ka tegay ciyaartooyo ay ku jiraan Jordan Henderson iyo Marcus Rashford ayaa waxa uu sidoo kale liiskiisa kusoo darsaday ciyaartooyo cusub, sida Jarell Quansah, Adam Wahrton iyo Curtis Jones.

Inkasta oo aan la hubin in ciyaartoydan cusub ay ka mid noqon doonaan toddobada ciyaartoy ee laga reebi doono liiska oo hadda ah 33 ciyaartoy, balse laga doonayo inuu kusoo koobo 26 ciyaartoy, ayaa waxa uu Supercomputer saadaaliyey in uu yahay dalka ugu cadcad ee ku guuleysanaya.

Supercomputer ayaa waxa uu sheegay in fursadda Ingiriiska ee ku guuleysiga tartanka Euro 2024 ay tahay 19%, waxaana ay wax yar ka horreeyaan xulka Faransiiska oo ay fursaddoodu tahay 18%.

Waxa kaalinta saddexaad ku jira xulka qaranka Germany ee tartanka martigelinaya, iyadoo afraadna uu soo galay waddanka Spain, waxaana uu hoos u dhac weyn ku yimid fursadda Portugal oo kaliya ah 10% iyo dalka difaacanaya oo ay fursaddiisu tahay kaliya 7%.

Halkan kaga bogo saadaasha Supercomputer ee Euro 2024

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*