Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aankii muddada la sugayey ka qaadatay tababare Erik ten Hag, waxaana ay maamulku isku raaceen in shaqada laga caydhiyo Sabtida berri marka ay dhamaato ciyaarta finalka FA Cup.
Erik ten Hag oo muddo laba sannadood ah tababare u ahaa Manchester United ayuu cimrigiisu kusoo dhamaan doonaa garoonka Wembley oo kulankii ugu dambeeyey uu kula qaadan doono ciyaartoyda kooxdiisa.
Sir Jim Ratcliffe ayaa go’aansaday in Erik ten Hag la eryo haddii kooxdu ay ku guuleysato FA Cup iyo haddii ay guul-darraystaan labadaba, taas oo ka dhigan in natiijada finalka FA Cup aanay wax saamayn ay ku yeelan doonin go’aankan.
Manchester United oo xilli-ciyaareedkan ku dhamaysatay kaalinta siddeedaad ayaa waxa loo diiwaangeliyey halkii ugu hoosaysay ee ay horyaalka ka galaan tan iyo sannadkii 1990kii, waxaana hadda ay Red Devils raadinaysaa tababaraha cusub ee beddeli doona Erik ten Hag.
Tababarihii ay Bayern Munich eriday ee Thomas Tuchel, macallinkii ay Chelsea usbuucan caydhisay ee Maricio Pochettino, tababaraha kooxda Ipswich Town ee Kieran McKenna, macallinka Brentford ee Thomas Frank iyo sidoo kale Graham Potter ayaa intuba ku jira tababareyaasha ku jira diiradda Manchester United.
Be the first to comment