RASMI: Xulka Qaranka England Ee Euro 2024 Oo Lagu Dhawaaqay


Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ku dhawaaqay liiska xulka Ingiriiska ee ka qayb-geli doiona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana uu ka reebay ciyaartooyo la filayey inay qayb ka noqon doonaan, kuwaas oo uu ku jiro weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford iyo kabtankii hore ee Liverpool ee Jordan Henderson.

Rashford oo xilli-ciyaareedkan ku dhibaatooday garoomada oo 33 ciyaarood oo Premier League ah oo uu u saftay Manchester United u dhaliyey toddoba gool oo kaliya iyo laba uu caawiyey, ayaa xulkiisa u saftay toddoba ciyaarood oo ay dheeleen sannadkan, laakiin waxa aanu qayb ka ahayn kulankii saaxiibtinimo ee Belgium ee bishii March.

33 ciyaartoy oo uu liiskooda soo saaray tababare Gareth Southgate ayaa waxa uu ka saari doonaa illaa toddoba ciyaartoy oo uu hadda soo qaatay maadaama UEFA ay u ogoshahay inuu 26 ciyaartoy ula safro waddanka Germany ee tartanka martigelinaya.

Jarrad Branthwaite, Curtis Jones, Jarell Quansah, Adam Wharton iyo James Trafford ayaa lagu soo daray liiska xulka England ee maanta la shaaciyey oo noqonaya mid hordhac ah oo horraanta bisha dambe lagu soo koobi doono 26 ciyaartoy.

Waxa kale oo xulka England lagu soo daray Eberechi Eze, Marc Guehi iyo Dean Henderson, halka Jarrod Bowen uu cidhiidhsaday booskiisa, sidoo kalena Jack Grealish iyo Ivan Toney iyagana lagu soo daray.

Ciyaartoyga la isku raacsanaa in uu ka mid noqonayo xulka England ayaa ahaa da’yarka Manchester United ee Kobbie Mainoo, balse Luke Shaw oo inta badan xilli-ciyaareedkan u jiifay dhaawac ayaa sidoo kale ka mid noqday xulka England.

Xulka qaranka England oo dhamaystiran

Goolhayeyaal: Dean Henderson (Crystal Palace), Jordan Pickford (Everton), Aaron Ramsdale (Arsenal), James Trafford (Burnley).

Difaacyahanno: Jarrad Branthwaite (Everton), Lewis Dunk (Brighton), Joe Gomez (Liverpool), Marc Guehi (Crystal Palace), Ezri Konsa (Aston Villa), Harry Maguire (Manchester United), Jarell Quansah (Liverpool), Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Manchester City), Kieran Trippier (Newcastle), Kyle Walker (Manchester City)

Khadka Dhexe: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Conor Gallagher (Chelsea), Curtis Jones (Liverpool), Kobbie Mainoo (Manchester United), Declan Rice (Arsenal), Adam Wharton (Crystal Palace).

Weerarka: Jude Bellingham (Real Madrid), Jarrod Bowen (West Ham), Eberechi Eze (Crystal Palace), Phil Foden (Manchester City), Jack Grealish (Manchester City), Anthony Gordon (Newcastle), Harry Kane (Bayern Munich), James Maddison (Tottenham), Cole Palmer (Chelsea), Bukayo Saka (Arsenal), Ivan Toney (Brentford), Ollie Watkins (Aston Villa).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*