Roberto Martínez ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda xulka qaranka Portugal ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxaana uu kusoo koobay tiradii rasmiga ahayd ee ay UEFA ka doonaysay isaga oo aan wax dheeraad ah raacinin.
Portugal oo ka mid ah xulalka loo saadaalinayo inay ku guuleystaan tartanka qaramada Yurub ee sannadkan lagu qabanayo waddanka Germany, ayaa waxa uu Roberto Martínez shaaciyey maanta xiddigaha uu bisha dambe ula safri doono halkaas, waana 26 ciyaartoy oo uu hoggaaminayo Cristiano Ronaldo.
Roberto Martínez oo xulka Portugal loo magacaabay January 2023, ayaa ka sokow Cristiano Ronaldo waxa uu u yeedhay difaaca ruug-caddaaga ah ee Pepe oo ay da’diisu tahay 40 jir, kaas oo mar kale kasoo muuqan doona tartanka.
Bernardo Silva, Rafael Leao, Ruben Dias iyo Bruno Fernandes ayaa sidoo kale hoggaamin doona xulka qaranka Portugal, halka sidoo kalena loo yeedhay garabka kooxda FC Porto ee Francisco Conceicao iyo difaaca midig ee Wolves ee Nelson Semedo.
Halkan kaga bogo xulka qaranka Portugal ee Euro 2024
Goolhayeyaal:: Diogo Costa, José Sá and Rui Patrício
Difaacyahanno: António Silva, Danilo Pereira, Diogo Dalot, Gonçalo Inácio, João Cancelo, Nélson Semedo, Nuno Mendes, Pepe, Rúben Dias
Khadka Dhexe: Bruno Fernandes, João Neves, João Palhinha, Otávio, Rúben Neves, Vitinha, Bernardo Silva
Weeraryahanno: Cristiano Ronaldo, Diogo Jota, Francisco Conceicão, Gonçalo Ramos, João Félix, Pedro Neto, Rafael Leão
Be the first to comment