Florentino Perez Oo Saaka Ka Degay Magaalada Paris, Heshiiska Mbappe & Kulanka Uu La Yeelanayo Madaxweynaha Faransiiska


Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee Le Bourget Airport ee duleedka magaalada Paris, iyadoo uu wehelinayo Emilio Butragueno oo ah agaasimaha maamulka kooxda si ay uga qayb-galaan xuska aasaaskii FIFA oo 120 sannadood ka hor lagu aas-aasay Paris.

Real Madrid ayaa ka mid ahayd hay’adaha lagu casuumay inay kasoo qayb-galaan xafladdan maadaama ay tahay kooxda ugu guulaha badan Yurub oo ay ku guuleysatay 14 Champions League, isla markaana ay laba jibbaar ka badan tahay kooxda kusoo xigta.

Safarka Madaxweynaha Real Madrid oo yimid saacado ka hor intii aanu Toni Kroos ku dhawaaqin inuu ka fadhiisanayo kubadda cagta, ayaa waxa naadiyada kale ee lala casuumay ee ka qayb-galay xuska sannad-guuradan ay ahaayeen toddoba naadi oo ka yimid dalalka France, Belgium, Denmark, Netherlands, Spain, Sweden iyo Switzerland.

May 21, 1904 ayaa la sameeyey xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA oo hadda ay xarunteedu tahay magaalada Zurich ee waddanka Switzerland, laakiin waxa markii la unkayey lagu sameeyey magaalada Paris.

Florentino Perez ayaa la sheegay in intii uu ku sugnaa waddanka France inay is-arkeen Madaxweynaha waddanka Faransiiska oo ay ka sheekaysteen arrinta Kylian Mbappe oo toddobaadyada soo socda ay Real Madrid ku dhawaaqi doonto heshiiskiisa, kaas oo Los Blancos kula biiri doona Camavinga, Aurelien Tchouameni iyo Ferland Mendy oo iyaguna Faransiiska u dhashay.

Wargeyska Marca ayaa sheegay in arrinta ay sida gaarka ah iskula qaadaa-dhigayeen Perez iyo Macron ay ahayd sida ciyaartoydan laga yeelayo ciyaaraha Olombikada oo Faransiisku ay doonayaan inay ciyaaraan, halka Real Madrid ay kasoo horjeeddo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*