Mauricio Pochettino ayaa iska casilaya kooxdiisa Chelsea ee uu xilli-ciyaareedkan keenay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League iyagoo xilli-ciyaareedkii hore ku dhamaysatay booska kaalinta 11aad.
Tababaraha reer Argentina ayaa la sheegay in ay isku dhaceen maamulka kooxda ee uu ugu horreeyo Todd Boehly, waxaanay isku maandhaafsan yihiin siyaasadda suuqa iibka ciyaartoyda oo Pochettino uu dalbanayo in loo keeno dhawr ciyaartoy oo uu doonayo inuu ku xoojiyo safkiisa, kuwaas oo maamulkuna ay kaga aragti duwan yihiin.
Qandaraaska Mauricio Pochettino oo ku eg xagaaga dambe, ayaa waxa uu toddobaadkan la kulmi doonaa Todd Boehly iyo Behdad Eghbali oo ay isla eegi doonaan oo ay qiimayn ku samayn doonaan xilli-ciyaareedkii tagay iyo waxa ay tahay in lagu soo kordhiyo.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa, in Pochettino uu saluugsan yahay wax badan oo maamulka ah isla markaana mustaqbalkiisu ku xidhnaan doono wixii kasoo baxa kulankaas.
Pochettino ayaa waxa uu doonayaa in kooxdu ay ku faro-adaygto Conor Gallagher oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedka dambe, kaas oo la rumaysan yahay in maamulku ay iibin doonaan haddii uu ka gaws-adaygo inuu qandaraaska kordhiyo.
Be the first to comment