DEG-DEG: Rashford, Sterling Iyo Xiddigaha Laga Reebay Xulka Qaranka England Ee EURO 2024 Iyo Wajiyada Cusub Ee Lagu Soo Daray


Xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, waxa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa abbaaro 4pm saacadda Geeska Afrika, hase yeeshee liiska hordhaca ah ee la helay ayaa waxa uu xaqiijiyey in tababare Gareth Southgate uu xulka England ka reebay ciyaartooyo waaweyn, sidoo kalena uu kusoo daray laacibiin da’yar ah oo ku cusbaan doona.

Difaaca kooxda Everton ee ay kooxaha waaweyn ee reer Yurub doonayaan ee Jarrad Branthwaite ayaa markii ugu horreysay loogu yeedhay xulka England, sidoo kalena xiddigaha da’yarta ah ee Liverpool ee Jarell Quansah iyo Curtis Jones ayaa iyagana lagu soo daray xulka England oo ay u noqonayso markii koowaad ee ay ka mid noqdaan, halka dheemanka kooxaha waaweyn doonayaan ee Adam Wharton oo u dheela Crystal Palace uu isaguna yahay ciyaartoyda ku cusub xulka.

Gareth Southgate ayaa sidoo kale u yeedhay oo xulkiisa kusoo daray Eberechi Eze, Marc Guehi iyo Dean Henderson, sidoo kalena difaaca Chelsea ee Levi Colwill, weeraryahanka West Ham ee Jarrod Bowen iyo goolhayaha Burnley ee James Trafford ayaa sidoo kale ka mid noqon doona 30 ciyaartoy oo uu goordhow shaacin doono tababare Gareth Southgate.

Dhinaca kale, waxa xulka qaranka England laga reebay Jordan Henderson oo hadda u ciyaara Ajax, garabka weerarka Chelsea ee Raheem Sterling, weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford iyo labada difaac ee Chelsea ee Reece James iyo Ben Chilwell.

Xulka England ayaa waxa uu la ciyaari doonaa kulamo saaxiibtinimo waddamada Bosnia-Herzegovina iyo Iceland horraanta bisha June, ka hor inta aanay u safrin waddanka Germany oo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ay kulankooda koowaad waajihi doonaan Serbia marka ay taariikhdu tahay 16 June, 2024, waxaana ugu xigi doona Denmark iyo Slovenia oo ay isku group yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*