Xiddiga reer Germany ee Toni Kroos ayaa ku dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo kubadda cagta dhamaadka xilli-ciyaareedkan, isla markaana uu taageereyaasha ku macasalaamayn doono finalka Champions League iyo tartanka Euro 2024.
Toni Kroos ayaa kubadda cagta kaga bixi doona isaga oo u ciyaaraya xulka qarankiisa sidii uu sameeyey Zinedine Zidane sannadkii 2006 oo isaga oo ka fadhiistay ciyaaraha oo kooxdiisa Real Madrid ay macasalaamaysay usii ciyaaray dalkiisa koobkii Adduunka 2006 oo finalkii uu casaan qaatay isla markaana Talyaanigu rikoodheyaal kaga qaaday.
Kroos ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in waqtigiisii Real Madrid ee tobanka sannadood ahaa uu ku egyahay finalka Champions League, isla markaana aanu koox dambe u ciyaari doonin laakiin uu xulka dalkiisa siinayo fursaddii ugu dambaysay oo uu usii dheeli doono tartanka Euro 2024 oo Jarmalka lagu qabanayo.
War-saxaafadeedka uu Toni Kroos soo saaray ayaa u qornaa sidan: “July 17, 2014 ayay ahayd maalintii ay Real Madrid isoo bandhigtay, waxay ahayd maalintii beddeshay noloshayda. Waxay ahayd maalin khaas u ahayd xirfaddayda ciyaartoynimo iyo noloshayda shaqsi ahaanba.”
“Waxay ahayd biloga cutub cusub oo kooxda ugu weyn adduunyada ah. Kaddib 10 sannadood, dhamaadka xilli-ciyaareedkan ayuu dhamaanayaa cutubkani.
“Waligay ma illoobi doono guulihii badnaa ee aan gaadhay waqtigaas! Waxa aan jeclaan lahaa in aan si gaar ah ugu mahad-celiyo qof kasta oo igu soo dhoweeyey qalbi furan oo i aaminay. Waxa kale oo aan si gaar ah ugu mahad-celinayaa taageereyaasha Real Madrid oo aan leeyahay ‘waad ku mahadsan tihiin jacaylkiina iyo kalgacalkii aad ii muujiseen maalintii ugu horreysay illaa maalintii ugu dambaysay’.
“Go’aankani waxa uu ka dhigan yahay in waayahaygii ciyaartoynimo uu sidaa kusoo dhamaan doono xagaagan kaddib tartanka Euro. Waan ku faraxsanahay, waanan ku qanacsanahay in go’aankaygu uu yimid waqtigii ugu habboonaa ee aan anigu doortay. Qorshaaygu waxa uu mar walba ahaa in aan kubadda cagta ka fadhiisto aniga oo xirfaddaydu sarrayso.
Be the first to comment