DEG-DEG: Xiddig Muhiim Ah Oo Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Man City


Xiddig muhiim ah oo ka tirsan Manchester City ayaa shandaddiisa ka xidh-xidhanaya Etihad Stadium, kaas oo tababare Pep Guardiola uu ku dhibaatoon doono sidii uu u heli lahaa beddelkiisa oo waliba ay qasab tahay inuu la saxeexdo.

Manchester City oo afar sannadood oo xidhiidh ah ku guuleysatay horyaalka Premier League, ayaa waxa shaki la gelinayaa mustaqbalka dhawr ciyaartoy oo uu ugu horreeyo Kevin De Bruyne, hase yeeshee ciyaartoy kale ayaa hadda soo baxay oo lagu soo warramayaa inuu si lama filaan ah u gaadhay go’aan uu kaga tegayo City.

Goolhayaha reer Brazil ee Ederson ayaa go’aansaday in uu iskaga tago Manchester City kaddib lix horyaal oo Premier League ah oo uu la qaaday toddoba sannadood oo uu joogay Etihad Stadium.

Ederson oo ah goolhayaha ugu guulaha badan taariikhda horyaalka Premier League, ayaa waxa uu u guurayaa waddanka Sucuudiga oo uu ka helay dalab xooggan oo uu lacag badan oo mushahar ah ku heli doono, sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano.

Ederson oo 332 ciyaarood u saftay Manchester City ayaa waxa ciyaartiisii ugu dambaysay ee uu u dheelo City noqon doonta finalka FA Cup ee Sabtida ee Manchester United, sida uu warku sheegay.

Manchester City iyo Ederson ayaanu midkoodna ka hadal warkan, hase yeeshee waxa la sugayaa inta laga gaadhayo finalka FA Cup, markaas oo uu mustaqbalka Ederson caddaan doono.

Kooxihii uu usoo ciyaaray iyo kulamadii uu u saftay

  • Ribeirao, 2011-2012: 30 ciyaarood ayuu u saftay
  • Rio Ave, 2012-2015: 63 ciyaarood ayuu u saftay
  • Benfica, 2015-2017: 56 ciyaarood ayuu u saftay
  • Man City, 2017-2024: 332 ciyaarood ayuu u saftay
  • Brazil, 2017-2023: 25 ciyaarood ayuu u saftay

Koobabkii uu ku guuleystay

  • Benfica: Primeira Liga, Portuguese Cup iyo League Cup
  • Manchester City: Premier League – lix jeer, FA Cup -laba jeer, Carabao Cup – afar jeer, Community Shield – laba jeer, Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup
  • Xulka Brazil: Copa America

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*