Arsenal Oo Heshay Weeraryahan Dilaa Ah, Man United Oo Tababare Ka Doonatay Heerka Labaad, Barca Oo Laga Xoojayo Araujo Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Tababare Premier League ah oo ay kooxdiisu heerka labaad u dhacday ayay doonayaan kooxo waaweyn oo reer Yurub ah, waana Vincent Kompany oo kooxdiisii Burnley ay ka dhacday sallaanka Premier League balse ay Bayern Munich doonayso. (Fabrizio Romano)

Aston Villa waxa ay doonaysaa inay dib usoo ceshato laacibkeedii hore ee Ross Barkley oo khadka dhexe uga ciyaara Luton Town oo heerka labaad u dhacday, kaas oo afar sannadood ka hor ay mar amaah kaga soo qaateen Chelsea. (Guardian)

Arsenal ayaa qorshaheeda ugu weyn ee suuqa iibka ciyaartoyda ka dhigatay weeraryahanka reer Sweden ee Alexander Isak oo 24 jir ah, laakiin waxa aan la ogeyn sida ay uga furfuri karayso Newcastle United. Sidoo kale, Arsenal waxa ay doonaysaa Brian Brobbey oo u dheela Ajax. (Independent)

Chelsea iyo Manchester United ayaa la xidhiidhay tababaraha kooxda Ipswich Town ee Kieran McKenna, waxaana mid walba ay doonaysaa inay ku beddesho tababaraheeda hadda ee Mauricio Pochettino ama Erik ten Hag. McKenna ayaa hore uga mid ahaa shaqaalaha tababarka Man United. (MEN)

Wolves waxa ay ku xidhay kooxaha doonaya xiddiga reer Portugal ee Pedro Neto inay bixiyaan lacag dhan £60 milyan oo Gini. 24 jirkan ayay doonayaan Man City iyo Newcastle United. (Telegraph)

Aston Villa ayaa ka walaacsan in la ganaaxo sababo la xidhiidha sharciga dhaqaalaha, waxaana ay taasi ku keentay inay ogolaato inay dhegaystaan dalabyada kooxaha doonaya difaaca dhexe ee reer Brazil ee Diego Carlos oo 31 jir ah. (Telegraph)

Tababaraha Aston Villa ee Unai Emery waxa uu doonayaa inuu la saxeexdo difaaca Barcelona iyo xulka Uruguay ee Ronald Araujo oo ah 25 jir ay sidoo kale doonayaan kooxo waaweyn oo reer Yurub ah. (Sport)

Tababaraha Tottenham ee Ange Postecoglou waxa uu ka dalbaday kooxdiisa in ay sameeyaan saddex saxeex oo cusub xagaagan. (ESPN)

Chelsea waxa ay dalbanaysaa £25 milyan oo Gini oo ay ku xidhayso kooxaha doonaya difaaca dhexe ee reer England ee Trevoh Chalobah oo 24 jir ah, kaas oo la filayo inuu ka tago Stamford Bridge xagaagan. (Telegraph)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*