Waqtiga Ay Manchester United Shaqada Ka Eryayso Erik ten Hag Oo La Shaaciyey


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Rio Ferdinand  ayaa shaqada laga caydhin doonaa toddobaadka dambe, sida uu sheegay halyeyga reer England ee Rio Ferdinand.

Rio Ferdinand ayaa uu cadaadis badan saaran yahay kaddib markii ay kooxdiisu ku dhamaysatay kaalinta siddeedaad ee horyaalka Premier League, halkaas oo ah booskii ugu liitay ee ay Red Devils ka gasho Premier League tan iyo sannadkii 1990kii.

19 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah ayaa laga badiyey Manchester United xilli-ciyaareedkan, waxaanay ka maqnaan doonaan tartamada Yurub sida Champions League, Europa League iyo Conference League markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2015, laakiin haddii ay ku guuleystaan FA Cup oo ay Man City la ciyaarayaan Sabtida waxa boos laga siin doonaa Europa League.

Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand oo ka hadlay bartiisa YouTube ee FIVE ayaa waxa uu sheegay in la go’aamiyey in Erik ten Hag shaqada laga eryo Sabtida marka ay soo dhamaato ciyaarta Manchester United ay la dheelayso Manchester City ee finalka FA Cup.

Shalay markii uu soo dhamaaday hroyaalka Premier League ayaa waxa Daily Mail ay sheegtay, in Sir Jim Ratcliffe uu go’aansaday inuu shaqada ka eryo Erik ten Hag oo aanu sii joogi doonin isla markaana ciyaarta ugu dambaysa ee uu laylinayo Red Devils ay tahay finalka FA Cup.

3 Comments

  1. Ten hag waa macallin wanaagsan lakin ONANA ayaa dhulka la galay oo hadii ay hal gool ka dhalato ay ka dhalanayaan goolal badan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*