RASMI: Xulka Qaranka Brazil Ee Copa America Oo Isbeddel Lagu Sameeyey


Tartanka qaramada Latin America ee Copa America waxa uu bilaabmi doonaa maalinta Khamiista ee June 20, waxaana uu socon doonaa illaa laga gaadhayo July 14 oo finalka lagu dheeli doono magaalada Miami ee waddanka Maraykanka.

Tababaraha xulka qaranka Brazil, Dorival Júnior ayaa isbeddel ku sameeyey liiskii hordhaca ahaa ee xulka qarankiisa ee uu toddobaad ka hor soo saaray, waxaana uu ka saaray ciyaartooyo hore uu ugu soo daray oo uu kuwo kale ku beddelay.

Dorival Júnior oo bishii January loo magacaabay tababaraha xulka qaranka Brazil markii uu Carlo Ancelotti oo ay sugayeen heshiis cusub u saxeexay Real Madrid, ayaa waxa uu liiska xulkiisa ka saaray goolhayaha Manchester City ee Ederson oo uu dhaawac kasoo gaadhay madaxa.

Tababare Dorival Júnior ayaa ku adkaystay go’aankiisii hore ee ahaa in aanu xulka kusoo daraynin kubbad-burburiyaha Manchester United ee Casemiro, sidoo kalena uu dhaawac ku maqnaa Neymar Jr ayaa waxa uu khadka dhexe u doortay Douglas Luiz, Bruno Guimaraes, Pereira, Joao Gomes iyo Lucas Paquetá.

Waxa oo xulka ka maqan Vitor Roque oo Barcelona ay kaydka ku dishay, balse waxa booskiisa helay weeraryahanka Real Madrid ee Endrick oo bisha July soo gaadhi doona Santiago Bernabeu marka ay da’diisu noqoto 18 jir.

Rodrygo Goes iyo Vinicius Junior ayaa hoggaamin doona xulka qaranka Brazil, sidoo kalena weeraryahanka Girona ee Savinho, difaaca Real Madrid ee Eder Militao, iyo Yan Couto oo isaguna u dheela Girona ayaa xulka lagu soo daray, halka dhaawac looga reebay Richarlison.

Xulka qaranka Brazil oo dhamaystiran

 Goolhayeyaal: Alisson (Liverpool), Bentor (Athletico Pr), Rafael (Sao Paulo).

Difaacyahanno: Beraldo (PSG), Militao (Real Madrid), Gabriel Magalhaes (Arsenal), Marquinhos (PSG), Danilo (Juventus), Yan Couto (Girona), Arana (Atlético Mg), Wendell (Porto), Bremer (Juventus).

Khadka Dhexe: Andreas Pereira (Fulham), Bruno Guimaraes (Newcastle), Douglas Luiz (Aston Villa), Joao Gomes (Wolverhampton), Lucas Paquetá (West Ham), Ederson (Atalanta).

Weerarka Endrick (Palmeiras), Evanilson (Porto), Martinelli (Arsenal), Raphinha (Barcelona), Rodrygo (Real Madrid), Savinho (Girona), Vinicius Jr (Real Madrid), Pepê (Porto).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*