Xiddig Muhiim Ah Oo Real Madrid Ka Maqnaanaya Finalka Champions League


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa war naxdinleh ka heshay dhaawac mid ka mid ah ciyaartoydeeda ugu muhiimsan oo ka maqnaan doona finalka Champions League ee Borussia Dortmund ee June 1.

Real Madrid ayaa waxa labadii usbuuc ee ugu dambeeyey dhaawac kaga maqnaa xiddiga reer France ee Aurelien Thouaméni oo ka jabay farta saddexaad ee lugta bidix intii ay socotay ciyaartii lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich ay 2-1 kaga adkaadeen horraantii bishan.

Kubbad-burburiyahan ayaa u duulay waddanka Maraykanka oo uu dhakhtar ugu tegay, waxaana la xaqiijiyey in waqti hore ay ku tahay ciyaarta finalka Champions League balse uu taam u noqon doono tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee badhtamaha bisha June ka furmi doona waddanka Germany, taas oo farxad u ah tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps.

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay in Aurelien Thouaméni uu ka maqnaanayo finalka Champions League taas oo booska u xaadhaysa Eduardo Camavinga oo kusoo bilaaban doona khadka dhexe.

Maqnaanshaha Aurelien Tchouameni ayaa dhibaato ku ah Real Madrid sababtoo ah waxa uu marar badan xilli-ciyaareedkan ka dheelay difaaca dhexe oo ay iska garab dheeleen Antonio Rudiger xilli ay dhaawacyo ku maqnaayeen Nacho iyo Eder Militao, halka iyadoo labadan difaacba joogaan uu Carlo Ancelotti doorbiday in Tchouameni uu ka dheelo difaaca dhexe marar kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*