YAAB: SADDEX Ciyaartoy Oo Kaliya Oo U Qalmaya In Ay Ka Ciyaaraan Old Trafford Ayey Man United La Saxeexatay 10kii Sannadood Ee U Dambeeyey


Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa ay tobankii sannadood ee ugu dambeeyey la saxeexatay saddex ciyaartoy oo kaliya oo u qalmayey inay xidhaan shaadhka Red Devils oo ay difaacaan sumcadda Old Trafford, intii kale oo dhanna waxa ay ahaayeen khasaare aan lahayn karti ay ku metelaan Man United. Arrintan waxa aaminsan halyeygii Man United ee Rio Ferdinand.

Manchester United ayaa noqotay kooxda ugu guulaha badan taariikhda Ingiriiska muddo 26 sannadood ahayd oo uu tababare u ahaa Sir Alex Ferguson, laakiin 11 sannadood oo kasoo wareegtay waqtigii uu hawlgabka noqday Sir Alex ayay Man United gashay xaalad adag oo guul-darrooyin iyo koobab la’aan ah.

Lacag dhan £1.4 bilyan oo Gini ayay Man United kharash garaysay tan iyo intii uu ka fadhiistay Sir Alex Ferguson, waxaana 14 ka mid ah ciyaartoydii ay la saxeexdeen uu qiimahoodu sare u dhaafiyey £50 milyan iyo ka badan, waxaana ku jira Paul Pogba oo sannadkii 2016 ay £89 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Juventus.

Xiddigo waaweyn ayay Man United la saxeexatay muddadaas, laakiin Rio Ferdinand oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in kaliya saddex ciyaartoy ay u qalmayeen inay u dheelaan Man United tobankaa sannadood, waana Cristiano Ronaldo, Bruno Fernandes iyo Zlatan Ibrahimovic.

Rio Ferdinand ayaa yidhi: “Marka aad eegto qaabka shaqaalaynta (iibka ciyaartoyda), waxa ay ila tahay in ay jiraan saddex ciyaartoy oo kaliya oo aan xasuusan karo in ay yimaaddeen kaddibna tageen, kuwaas oo u ciyaaray heerkii aynu ka filaynay.

“Bruno Fernandes, Cristiano Ronaldo iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa ah saddexda ciyaartoy ee kaliya ee aan u malaynayo, in ay u ciyaareen sidii aan ka filaynay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*