DEG-DEG: Chelsea Oo Dhamaystirtay Saxeexeedii Koowaad


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhamaystirtay saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ee dhowaanta furmaya, waxaanay gacanta ku dhigeen xiddig ay kooxo badan oo reer Yurub ah raadinayeen.

Chelsea oo xalay isbeddel ku samaysay dalab ay hore u gudbisay oo aan guuleysanin oo ay ku doonaysay dheemanka reer Brazil ee Willian Estevao oo lagu naanayso ‘Messinho’ ayaa waxa ka ogolaaday kooxda reer Brazil ee Palmeiras.

Dalabka ay Palmeiras ogolaatay inay Chelsea kaga iibiso Willian Estevão ayaa ahaa €40 milyan oo Euro oo kaash ah iyo €25 milyan oo Euro ku xidhnaan doona bandhiggiisa garoomada, kulamada uu u safto Blues iyo uulaha uu la gaadho.

Toban maalmood ka hor ayay Chelsea dhamaystiray saxeexa shaqsiga ah ee Willian Estevão waxaana hadhsanayd oo kaliya in labada kooxood ay isla meel-dhigaan qiimaha iibka ee laacibkan.

Willian Estevão waxa uu ku biiri doonaa Chelsea sannadka 2025 sida uu dhigayo heshiisku, waxaana inta ka horreysa uu usii ciyaari doonaa kooxdiisa hadda ee Palmeiras, iyadoo marka uu gaadho Stamford Bridge ay Blues ku riixi doonto inuu saxeexo heshiis cusub oo waqti dheer ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*