RASMI: Bayer Leverkusen Oo Rikoodh Cusub Dhigtay Iyo Bayern Munich Oo Booska Labaad Lagala Baxay Iyo Qalbi-jabka Uu Ku Tegay Thomas Tuchel


Horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga ee xilli-ciyaareedka 2023/24 ayaa lasoo gabogabeeyey maanta, waxaana rikoodh cajiib ah samaysay Bayer Leverkusen oo xilli-ciyaareedku u dhamaaday iyadoo aan hal-mar laga badinin.

Leverkusen oo ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ayaa waxa ay 2-0 ku garaacday kooxda FC Augsburg oo marti u ahayd, iyadoo labada goolna ay u dhaliyeen weeraryahanka reer Nigeria ee Boniface oo dhawr bilood oo uu u jiifay dhaawac kasoo laabtay usbuucyo ka hor iyo Robert Andrich, hase yeeshee waqti dambe ayay FC Augsburg keentay goolka madiga ah oo uu u dhaliyey Mert Kömür.

Waxa ay Leverkusen kusoo xidhatay xilli-ciyaareedkan horyaalka Bundesliga oo ka kooban 34 ciyaarood 90 dhibcood oo ay ku heleen 28 guulood iyo 6 barbarro ah, waxaanay dhaliyeen 89 gool halka iyagana laga dhaliyey 24 gool, taas oo ka dhigan in farqiga goolashu yahay 65 gool.

Dhinaca kale, Bayern Munich ayaa maanta guul-darro ku macasalaamaysay tababaraheeda Thomas Tuchel oo ay u ahayd ciyaartiisii ugu dambaysay ee uu layliyo, waxaana 4-2 kaga adkaatay Hoffenheim, waxaanay lumisay booska kaalinta labaad oo ay ka cidhiidhsatay Stuttgart oo 4-0 ku dubatay Borussia Monchengladbech.

Munich ayaa laba gool la hormartay, laakiin waxa loogu beddelay afar gool iyadoo ciyaartan uu dhaawac kaga maqnaa weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah.

Stuttgart oo ah kooxda kaalinta labaad ka riixatay Bayern Munich ayaa laba ka mid ah goolasha waxa u dhaliyey Guirassy oo ah ciyaartoyga labaad ee ugu goolasha badan horyaalka Bundesliga.

Kaalinta afraad ayaa waxa ku dhamaysatay Borussia Dortmund oo 4-0 ku xasuuqday Darmstadt 98, hase yeeshee Bundesliga oo xilli-ciyaareedka dambe ay shan kooxood uga soo qayb-gelayaan tartanka Champions League ayaa waxa uu nasiibku caawiyey oo iyaduna booskeeda Champions League heshay Eintracht Frankfurt.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*